Maraykanka oo gantaallo difaac iyo ciidan geynaya Sucuudiga

673

Maraykanka ayaa Sucuudiga geynaya hal unug oo gantaalaha difaaca ee (Patriot) iyo afar nuuc oo raadaarka dhulka laga hago kuwaas oo awood u leh in ay ka hortagaan gantaalaha soo socda inta aysan gaarin halka ay u socdaan.

Ciidan Maraykan ah oo gaaraya 200 askari ayaa wehlin doona gantaalaha difaaca ee la geynayo Sucuudiga si uu uga gaashaanto weerarada Iiraan.

Tallaabadaan ayaa noqonaysa tii koowaad ee Maraykanku qaado oo lagu xaqiijinayo amniga boqortooyada Sucuudiga oo dhawaan lagu qaaday weerar ay ku eedeeysay Iiraan.

Labo kale oo ah habka difaaca cirka ee Patriot iyo kuwa ka hortaga gantaalaha cinjirka ah(Ballistic missiles) ayaa dib laga geyn doonaa haddii ay baahi timaado.

Saraakiisha Markaynka ayaa ilaa todobaadkii la soo dhaafay waxay ku mashquulsanaayeen wax gurmad ahaan Sucuudiga loogu diri karo maadaama ay la kulantay weeraro iskugu jiro gantaalaha maraakiibta laga dul rido iyo diyaaradaha duuliye la’aanta ah oo beegsaday labo bar shidaal oo Sucuudiga ku taal.

Madaxweyne Trump ayaa Kulan ka dhacay aqalka cad jimcihii la soo dhaafay waxa uu meesha uga saaray wax weerar aargoosi ah oo waqtiyadaan dhow lagu qaadayo Iiraan.

Madaxweyne Trump ayaa taa baddalkeeda amray in la xoojiyo amniga gobolka.Isaga oo warfidiyeenada kula hadlay aqalka cad ayuu tilmaamay in isxakameyntu ay muujineyso awood ka badan qaaditaanka weerar aargoosi ah.

Afarta raadeer iyo gantaalaha difaaca cirka ayaa waxay Sucuudiga ka ilaalin doonaan weeraro uga yimaada jihada Waqooyi maadaama gantaalaha difaaca Sucuudiga ay ku jiheysanyihiin dhanka Koonfureed oo ay Yaman ka xigto Sucuudiga, halkaas oo weeraro joogto ah ay kooxda Xuutiga uga soo qaadaan Sucuudiga, iyada marar kalena Xuutigu ay weeraraan Imaaraadka.

Xoghayaha difaaca Maraykanka Mike Esper ayaa sheegay in gantaalaha la geeyay Sucuudiga ay yihiin tallaabooyin bilow ah, ayna jiri doonaan kuwa kale mustaqbalka. Xoghayaha ayaa sheegay in ay dalal kale oo xulafo ah kala hadlayaan si ay uga qayb qaataan ammaanka gobolka.

Taliyaha guud ee ciidanka Maraykanka Joseph Dunford ayaa caddeeyay in ujeedku yahay in Sucuudiga laga difaaco weeraro iyada oo la is isticmaalayo habab isxigxiga oo yareynaya khatarta ka dhalan karta diyaaradaha duuliye la’aanta ah iyo gantaalaha sida wiiftada Sucuudig usoo gaaraya.

Maraykanka ayaa wali baaritaan lagu ogaanayo halka uu ka yimid weerarka lagu soo qaaday 14 bishii Septeber xaruumo shidaal oo Sucuudiga ku yaal.

Maraykanka ayaa Iiraan ku eedeeyay in ay ka danbeyso weerarka,Iiraan ayaa se meesha ka saartay in ay lug ku leedahay. Kooxda Xuutiga ay Iiraan taageerto ayaa sheegtay masuuliyadda weerarka lagu qaaday Sucuudiga.

Burburkii gantaalihii lagu weeraray oo baaritaan lagu hayo ayaa se Maraykanku sheegay in ay caddeeyn doonto jihada weeraro ka yimid.