Maraykanka oo ciidan u diraya Sucuudiga  

403

Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa ciidan dheeri ah u diraya dalka Boqortooyada Sucuudi Carabiya iyo Imaaraadka Carabta kaddib weeraro Maraykanku ku eedeeyay Iiraan oo lagu qaaday goobo shidaal.

Toddobaad kaddib weeraradii goobaha shidaalka ee kala ah Abaqaiq iyo Khurais   ee dalka Sucuudiga oo ay masuuliyadiisa sheegteen kooxda Iiraan taageerto ee Xuutiga ayaa wasaaradda difaaca Maraykanka waxay sheegtay in ciidan aan badneyn oo ujeedkiisu difaac yahay la geeynayo Sucuudiga.

General Joseph Dunford oo ah taliyaha taliyaasha ciidanka Maraykanka iyo Mike Esper oo ah Xoghayaha difaaca Maraykanka ayaa wariyaasha ugu sheegay magaalada Washington in tirada ciidanka la geynayo Sucuudiga aysan gaareeyn kun askari.Tirada rasmiga ah ayay ka gaabsadeen in ay shaaciyaan madaxda hoggaanka ciidanka Maraykanka.

Taliyaha ciidanka Maraykanka General Dunford iyo Xoghayaha ayaan marnaba soo hadal qaadin suurtagalnimada duqeymo Iiraan loo geysto, taas oo  uu Madaxweyne Trump uu sare u qaaday dhicitaankeeda wallow uu si la mid ah u sheegay in uu ka fogaanayo wax dagaal ah.

Xoghayaha difaaca Maraykanka Mike Esper ayaa sheegay in inkasta oo Iiraan ay dafirtay ku lug lahaanshaha weerarka ay haddana dhammaan raadadku muujinayaan in Iiraan ay ka danbeyso weerarada loo geystay Sucuudiga. Esper ayaa intaas ku daray in tillabadaan ay tahay tan koowaad.

Ciidan gaaraya ilaa iyo shan kun oo Maraykan ah ayaa ku sugan gobolka bariga dhexe, waxaana dhawaan Pentagonka Maraykanka shaaciyay in shan boqol lagu kordhin doono ciidanka ku sugan gobolka sababo la xiriira xiisadda Iiraan oo cirka isku sii shareertay. Ku dhawaaqista wasaaradda difaaca Maraykanka ayaa daba socoto shaacin uu horay u sameeyay Madaxweyne Trump oo sheegay in ciidan dheeri ah la geynayo gobolka. Pentagon ayaa sidoo kale sheegay in ay Sucuudiga iyo lmaaraadka geyn doonaa qalabka difaaca gantaalaha.

Madaxweyne Trump ayaa ku goodiyay in burburinta Iiraan aysan waxba ku qaadaneyn oo isaga oo halkaan fadhiya uu waxyar ku burburin karo dhowr bar oo ku taalla Iiraan, laakiin se uu rumeynsanyahay in cunaqabateytu ay shaqeyneyso.

SHARE