Diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Maraykanka ayaa duqeyn ay u wadeen kooxda Daacish qaybta Afghanistaan waxa ay la beegsadeen beeraleey reer Afghanistaan ah taas oo sababtay dhimashada 29 beeraley ah.
Wararka oo dhacay khamiistii ayaa waxaa si wada jir ah u xaqiijiyay wasaaradda difaaca Afghaniataan iyo sarkaal Maraykan ah.Labada dhinac ayaan si rasmi ah u sheegin khasaaraha soo gaaray dadka rayidka ah.
Tiro koob laga soo xigtay Qaramada Midoobay ayaa muujinaya in lixdii bilood ee hore ee sanadkaan oo kaliya tirada dhimashada iyo dhaawaca dadka rayidka ah ay gareeyso ugu yaraan 3,812.
Khasaaraha ayaa inta badan waxaa geysta ciidanka dawladda Afghanistaan iyo kuwa caalamiga ah oo dagaal kula jira kooxda hubeysan ee dalka Afghanistaan.
Duqeymaha diyaaradaha Maraykanka iyo dawladda Afghanistaan ayaa dilay 363 qof, halka ay dhawaceen 156 qof, oo 150 ka mid ah ay Carruur tahay sidaas waxaa laga soo xigtay warbixinta Qaramada Midoobay.
Shantii qof ee la dilaba, afar waxaa dilay ciidanka shisheeye ee dagaalka kula jira kooxaha islaamiga ee Taalibaan iyo Daacish.
Maraykanka iyo isbaheysiga ku wehliya dagaalka Afghanistaan ayaa wali sii wada duqeymaha ay la beegsanayaan kooxaha hubeysan ee ka soo horjeeda dawladda Afghanistaan iyo ciidanka shisheeye.
Weerar kale oo ay sheegatay kooxda Taalibaan ayaa dad badan ku dilay talaadadii dalka Afghanistaan.
Isu soo bax doorasho loogu ololeynayay Madaxweynaha talada haya Asharf Ghani ayaa waxaa ku dhintay 26 qof kaddib markii uu qof isku qarxiyay.
Qarax kale oo lala beegsaday saldhig ciidan oo ku yaal bartamaha Kaabuul ayaa waxaa ku dhintay 22 qof.