Maraykanka: Musharaxa Duqa Magaalada Rochester oo dil loogu hanjabay

811

Haweenay Muslimad ah oo u tartamaysa xilka duqa magaalada Rochester, ee dalka Maraykanka, oo lagu magacaabo Regina Mustafa, ayaa sheegtay in loogu hanjabay in la dili doono.

Magaalada Rochester, ayaa 160KM u jirta magaalada Minneapolis ee gobalka Minnesota ee dalka Maraykanka.

Regina Mustafa, ayaa ah qofkii ugu horeeyay oo Muslim ah oo isu soo sharxa xilka duqa magaalada Rochester, taasi oo keentay maleeshiyaadka Islaamka nacayb ay u hanjabaan.

“Waxaa la iigu hanjabay dil, qofka ii hanjabayana ma aqaano inuu Ku nool yahay meel ii dhow ama iga fog. Waa inaan u qaataa hanjabaadan mid halis Ku ah ammaankayga” ayay Regina Mustafa, ka dhawaajisay xili qoraal kooban ay soo dhigtay barta ay Ku leedahay Twitter-ka.

https://twitter.com/cidi_cidimn/status/963092029453545477