Maraykanka iyo Kuuriyada Waqooyi oo heshiis saxiixday

1679

Madaxweynaha dalka Maraykanka Donald Trump iyo dhiggiisa waddanka Kuuriyada Waqooyi ayaa ku kala saxiixday heshiis talaadadii dalka Singapore; iyaga oo ballan qaaday in ay si wada jir uga shaqeyn doonaan sidii xal nabadeed looga gaari lahaa colaad todobaatan jirstay iyo waliba sidii gabi ahaanba loo baab’in lahaa hubka Nukliyeerka ee waqooyiga Kuuriya.

Sida ku xusan heshiiska Maraykanku waxa uu damaanad ammaan siinayaa Waqooyiga Kuuriya oo ay sanado badan cadaw ahaayen, halka waqooyiga Kuuriyana ay gabi ahaanba burburineyso hubka Nukliyeerka, jaziirada Kuuriyana ka dhigeyso mid nukliyeerka ka caagan.

Heshiiska ayaa waxaa gabi ahaanba ku jirin dalab horay ay u wateen Maraykanka iyo xulafadiisa kaas oo ahaa in Kuuriyada Waqooyi ay gabi ahaanba hubka nukliyeerka u burburiso si la xaqiijin karo oon ka noqosho laheyn.

Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump  ayaa difaacay heshiiska isaga oo sheegay in isaga iyo Kim ay ka go’antahay fulinta heshiiska.Madaxweynaha Maraykanka ayaa sidoo kale tilmaamay in maanta ay tahay bilawga geedi socod culeys badan, laakiin nabaddu ay u qalanto intaas oo dhan in loo sameeyo.

Isaga oo ka hadlaya waxa laga yeelayo cunaqabateynta saaran waqooyiga Kuuriya ayuu madaxweyne Trump caddeeyay in cunaqabateynta ay sii saarnaan doonto Kuuriyada Waqooyi ilaa iyo inta ay ka burburineyso nukliyeerka, sidoo kale ciidanka Maraynka  ee ku  sugan kuuriyada koonfureed ayaysan jirin qorshe lagu dhimayo tiradooda

Dhankiisa Hoggaamiyaha kuuriyada waqooyi ayaa sheegay in maanta ay yeesheen kulan taariikhi uuna go,aansaday in uu iska iloobo wixii hore.Adduunku waxa uu arki doona isbaddal weyn ayuu sii raaciyay Kim Jon Un hoggaamiyaha Kuuriyada waqooyi.

Waddamada Maraykana iyo Waqooyiga Kuuriya ayaa waxaa u dhaxeeyay colaad gaamurtay oo soo jirtay muddo ku siman todobaatan sano , colaadaan oo keentay in jaziirada Kuuriya loo qaybiyo labo waddan.

Dalka Waqooyiga Kuuriya waxaa xukuma dawlad shuuci ah oo uu hormud u ahaa qoyska wiilka hadda haya talada dalkaas.Dhinaca kalena kuuriyada koonfureed waxaa ka jira maamul hanti goosad ah oo u janjeera dhinaca Maraykanka waxaana dalkaas ku sugan ciidan Maraykan ah tan iyo wiixii ka danbeeyay dagaalkii labada Kuuriya.