Maraykanka: 10 qof oo lagu dilay weerar lagu qaaday Iskuul ku yaala Taxes

728

Ugu yaraan Toban ruux ayaa geeriyootay 10-kalena waa ay dhaawacmeen ka dib markii wiil 17-sano jir ah uu weerar Ku qaaday Iskuul Ku yaala gobalka Taxes ee dalka Maraykanka, sida warbaahinta ay u xaqiijiyeen mas’uuliyiinta gobalkaasi Taxes.

Iskuulka la weeraray ayaa lagu magacaabaa Santa Fe High School, kaasi oo Ku yaala 50 kilomiitar meel koonfur Bari u jirta magaalada Houston, ee Taxes.

Saraakiisha Booliiska ayaa 17-sano jirka weerarka ka dambeeyay waxaa ay magaciisa ku sheegeen Dimitrios Pagourtzis, kaasi oo xabsiga loo taxaabay maxkamadna lasoo taagayo.

Govonotooraha gobalka Taxes Greg Abbott, oo galinkii dambe Jimcihii warbaahinta la hadlay ayaa xaqiijiyay in 10 qof la dilay 10-kalena dhaawacyo ay soo gaareen.

” Waa ficil Shaydaanimo in qof uu iskuul weeraro oo carruur masaakiin ah uu naftooda galaafto”ayuu yiri  Greg Abbott Guddoomiyaha gobalka Taxes.

Goor dambe waxaa la sheegay in Iskuulka Gudihiisa iyo hareerihiisa lava helay waxyaabo qarxa.