Muqdisho (UM) – Waxaa maanta magaaladda Muqdisho lagu dilay mid ka mid ahaa dhalinyarada firfircoon isla markaasna gacansade ah oo lagu magacaabo Maxamed Maxamuud Sheekh Cali. Marxuumka ayay kooxo hubeysani ku dileen banaanka goobta gawaarida la dhigto ee maqaayadda Spaghetti House oo ku taala meel aan sidaas uga sii fogeyn Cusbitaalka Banaadir ee Muqdisho.
Dad ku sugnaa goobta xilliga uu dhacayay dilka ayaa sheegay in marxuumka geeriyooday lagu furay rasaas xilli uu babuurkiisa dhiganayey barxadda gawaarid la dhigto. Marxuumka ayaa la sheegay inuu u geeriyooday rasaastii haleeshay isla markiiba la geeyay cusbitaalka.
Alle ha u naxariistee, Maxamed Maxamuud Sheikh Cali wuxuu maamuli jiray Shirkad ku dhiirigalisa dhalinyarada fikradaha ganacsiga oo lagu magacaabo ‘Start up Grind’ wuxuuna sidoo kale ahaa shaqsigii ugu horeeyay ee adeega dhar dhaqista casriga ah ee ‘Dry Cleaner’ ka hirgaliya caasimadda Muqdisho kadib burburkii waxaana lagu xasuustaa hadallo dhiirigalin ah oo uu marxuumku u jeedin jiray dhalinyaradda xilliyadda munaasabadaha looga hadlayo ganacsiga iyo hal-abuurka.