Maleysia: Sirdoonka Israel oo lagu eedeeyay dilka aqoonyahan Falastiini ah

1338
Aqoonyahanka lagu dilay magaalada Kuala Lumpur, Fadi Maxamed al-Batsh

Kuala Lumpur (UM)—Wararka laga helayo magaalada Kuala Lumpur,  ee caasimadda dalka Malaysia, ayaa waxaa ay sheegayaan in toogasho lagu dilay Aqoonyahan reer Falastiin ah.

Aqoonyahanka la dilay ayaa waxaa lagu magacaabi jiray Fadi al-Batsh, kaasi oo ahaa 35-sano jir u dhashay dalka Falastiin.

Fadi al-Batsh, ayaa la sheegay in uu ka mid ahaa kooxda Xamaas ee reer Falastiin ee maamusha magaalada Qaza.

Wararku waxaa ay sheegayaan in dilka aqoonyahankan ay ka dambeeyeen labo ruux oo hubaysan oo heebtooda aan la garanaynin.

Aabaha dhalay Fadi Albashi, oo la hadlay Television-ka Aljazeera laantiisa afka Ingiriiska ayaa xaqiijiyay in wiilkiisa la dilay aroornimadii hore maanta oo Sabti.

Waxaa la dilay xili uu u socday masjid Ku yaala meel u dhow xaafadda uu ka deganaa magaalada caasimadda ah ee Kuala Lumpur, si sallaadda Subax uu masjidka uga soo dukado.

Aabaha aqoonyanka la dilay ayaa dilka waxaa uu Ku eedeeyay inay ka dambeeyaan Sirdoonka Israel oo Massad loo yaqaano.

Ahmad Zahid Hamidi, Ra’iisul wasaare Ku xigeenka dalka Malaysia, ayaa sheegay in baaritaan uu wado booliisla Malaysia.

Waxaa uu intaasi Ku daray inay aaminsan yihiin in dilka ay ka dambeeyeen kooxo Yurub ah oo xiriir la leh Hay’ado Sirdoon oo Dibadda ah.

Ra’iisul wasaare Ku xigeenka Malaysia, ayaa hadalkan sheegay xili uu la hadlayay wakaaladda wararka dalka Malaysia oo magaceeda loo soo gaabiyo Bernama.

Sarkaal sare oo ka tirsan booliiska dalka Malaysia oo la yirahdo Datuk Seri Mansor Lazim, oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in labo ruux oo hubaysan muddo 20 daqiiqo Ku sugayeen guriga uu ka deganaa degmada Setapak, oo caasimadda Kuala Lumpur, ka tirsan.

Waxaa uu sarkaalka booliiska ah uu sheegay in labada ruux aqoonyahanka ay 10 xabadood Ku dhufteen 4 ka mid ah xabadaha ay Ku dhufteena islamarkiiba uu u dhintay.

Qaar ka mid ah qaraabada aqoonyahanka lagu dilay magaalada Kuala Lumpur, oo Ku boroordiiqaya afaafka hore guriga qoyskiisa ay ka degan yihiin magaalada Qaza (Xuquuqda Sawirka Mohammed Salem/Reuters]

Afhayeen u hadlay ururka Xamaas oo lagu magacaabo Hazem Qassem, ayaa xaqiijiyay dilka loo gaystay aqoonyahanka reer Falastiin oo Xamaas ka tirsanaa.

Qoraal kooban oo Xamaas ay soo dhigtay barta Twitter-ka ayaa sidoo kale lagu xaqiijiyay dilka Fadi al-Batsh, ayagoo Ku tilmaamay Shahiid.

“Kooxo Hubaysan ayaa dishay aqoonyahan Fadi Maxamed Albatel, oo sidoo kale ahaa bare jaamacadeed” ayaa lagu yiri warka lasoo dhigay barta Twitter-ka.

https://twitter.com/AqsaTVChannel/status/987565787736150016?s=19