Ra’iisal wasarihii hore Dr. Mahathir Maxamad ayaa loo dhaariyay hoggaamiyaha xiga ee dalka Malaysia kaddib guushii aan caadiga ahayn ee ka gaaray doorashadii dalkaasi.
Isagoo oo ku labisan dharka dhaqanka ee Malaay-ga, Mahathir ayaa loo dhaariyay xaafiiska xaflad lagu qabtay caasimadda Malaysia Kuala Lumpur Khamiistii. Waxaa dhaariyay boqorka Malaysia, boqor Sultan Muhammad.
Mahathir, oo 92 jir ah ayaa noqonaya hoggaamiyaha dunida ugu da’da wayn oo Ra’iisal waasare noqda.
Boqolal reer Malaysia ah oo ruxaya calamada Xisbiga Isbaheyga ee uu hoggaamiye ee Pakatan Harapan oo loo yaqaan (Isbaheysiga Rajada) ayaa isugu soo baxay waddooyinka waa wayn ee caasimadda Kuala Lumpur wax yar kaddib markii xilka loo dhaariyay si ay ugu dabbaaldegaan guushiisa siyaasigaan rug caadayga ah oo horey waddanka 22 sano u soo xukumayay ka hor inta uusan hawlgab noqonin sanadkii 2003-dii.
Ra’iisal wasaarihii hore ee doorashada looga adkaaday, Najib Razak ayaa aqbalay natiijada doorashada, inkastoo uusan ka qaybgalin dhariinta Ra’iisal waasare Mahathir. Mr. Najib Razak ayaa waxaa hareeyya faxeeyin waa wayn iyo musuqmaasuq.
Isbaheysiga uu hoggaamiyo Dr. Mahathir Maxamad ayaa aqlabiyad wayn ka helay kuraasta baarlamaaniga ah,taasi oo lama filaan ku noqtay xisbiga taladaha ee Barisan Nasional (BN) oo talada hayay muddo 60 sano ah.
Isbaheysiga mucaraadka ayaa ku guulaysay kuraas dhan 113 – oo ah in ka badan intii laga rabay aqlabiyada kuraasta baarlamaaniga ah ee loo baahnaa, halka Xisbiga laga adkaaday uu helay kuraas dhan 222 oo baarlamaanka ah.
Doorashadaan ayaa ahayd mid ka mid ah doorashadii ugu adakayd ee si dhaw loogu loolamo taariikhada dalka Malaysia, iyadoo hoggaamiyaha 92 jir ah ee Mahathir uu ka baxay hawlgab si uu meesha uga saaro, Ra’iisal wasaare Najib Razak kaasi oo lagu eedeeyay musuqmaasuq ballaaran.