Malateriga Ciraaq oo Duulaan ku ah Kooxda BKK

790
Ra’iisul Wasaaraha dalka Ciraaq Xaydar Al-Cabaadi (Xuquuqda Sawirka ANADOLU AGENCY)

MUQDISHO (UM)—Ra’iisul wasaaraha dalka Ciraaq Xaydar Al-Cabaadi ayaa sheegay in ciidamada Qalabka sida ee dalkaasi ay ka hor tagi doonaan in Maleeshiyaadka Kurdiyiinta ah ee Ku dhuumaalaysta waqooyiga dalkaasi ay weerar Ku qaadaan dalka ay dariska yihiin ee Turkiga.

Ra’iisul wasaaraha ayaa sheegay in qadka Telifoonka ay Ku wada hadleen dhiggiisa dalka Turkiga Bin Cali Yildrim islamarkaana ay ka wada hadleen arimaha la xiriira Maleeshiyaadka BKK ee Ku Dugan gobalka Singar.

“Ciidamada Qalabka sida ee Ciraaq waxaa ay u dhisan yihiin inaysan u ogolaan dagaalyahno Ajaaniib ah inay isku qariyaan dalkeena mana ogolaanayno in dhibaato loo gaysto dalka Turkiga” ayuu Ra’iisul Wasaaraha Ciraaq uu u sheegay dhigiisa dalka Turkiga Bin Cali Yildrim, sida waxaa Ku waramaysa warbaahinta dalka Ciraaq.

Taliyaha Guud ee ciidamada Militariga dalka Ciraaq Lieutenant General Othman al-Ghanmi, ayaa sheegay in ciidamada dowladda Ciraaq ay gacanta Ku hayaan Guud ahaan gobalka Singar ilaa iyo xadka dalkaasi uu la wadaago Turkiga.

Warbaahinta Bariga Dhexe ayaa bilowgii isbuucan Ku warantay in madaxwaynaha dalka Turkiga Raccep Tayyip Erdogan uu Ku hanjabay in ciidamada Qalabka sida ee Turkiga ay tallaabo walba oo lagama maarmaan ka qaadi doonaan dagaalyahnda BKK ee Ku sugan gobalka Singar ee dalka Ciraaq waa haddii uu tallaabo ka qaadi waayo militariga dalkaasi Ciraaq.

Ra’iisul Wasaaraha Ciraaq oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in madaxwaynaha Turkiga ay telfoon Ku wada hadleen islamarkaana uu daawaday hadalka Erdogan, una soo baxday in warbaahinta hadalka madaxwayne Erdogan ay si Kale u dhigtay.

Warbaahinta dalka Ciraaq ayaa waxaa ay Ku waramayaan in ciidamada dowladda oo wata gawaarida gaashaaman ee dagaalka ay u dhaqaaqeen gobalka Singar.

Ciidamadan Ciraaqiyiinta ah ee gobalka Singar loo daad-guraynayo ayaa waxaa ay u badan tahay in ay duulaan rasmi ah Ku yihiin Maleeshiyaadka BKK ee la sheegay in ay Ku sugan yihiin buuralayda gobalka Singar.

Xukuumadda Ankara, ayaa waxaa muuqata inay culays badan oo arimahan Ku aadan ay saartay dowladda Dhexe ee Ciraaq oo fadhigeedu yahay magaalada Baqdaad.

Turkiga ayaa dhowr jeer oo hore duulaan kusoo qaaday dagaalyahnada BKK ee Ku sugan waqooyiga Ciraaq ayagoo aan ogolaansho waydiisan dowladda Dhexe ee Ciraaq.

Arimahaasi ayaa marar badan keenay khilaaf dhexmaray dowladaha Turkiga iyo Ciraaq.

Ciraaq ayaa duulaanadii hore ee Turkiga waxaa ay Ku tilmaantay inay ahaayeen xad gudub Turkiga uu Ku sameeyay Madaxbanaanida iyo midda dhuleed ee dalka Ciraaq.

Marar badan ayaa Ciraaq waxaa ay Jaamacadda Carabta u gudbisay wax ay Ku tilmaantay ‘gardarada Cad’ ee Turkiga Ku haayo madaxbanaanida dalka Ciraaq.

Jaamacadda Carabta ayaa cambaareeyay weerarada Turkiga uu Ku soo qaaday BKK-da Ku sugan waqooyiga Ciraaq.

Turkiga ayaa sheegay in meel walba oo ay Ku sugan yihiin Maleeshiyaadka BKK ay weerari doonaan islamarkaana cidi uga amar qaadan doonin.

Waxaa xukuumadda Ankara ay sheegtay in arimahan ay yihiin kuwo quseeya ammaanka Qaran ee Turkiga.

Militariga Turkiga ayaa bilowgii bishii January ee sanadkan duulaan militari Ku qaaday waqooyiga dalka Suuriya, ayagoo bacsanayay kooxda YPG oo BKK xiriirka la leh,kuwaasi oo maamula inta badan waqooyiga Suuriya.

Ciidamada Turkiga ayaa Maleeshiyaadka YPG ka saaray inta badan gobalka Ifrin ayagoo sidoo Kale la wareegay magaala madaxda gobalkaasi ee Ifrin.