
Gabadha billada nabadda haysta ee waddanka Pakistan u dhalatay Malala Yousafzia ayaa dib ugu laabtay Pakistan markii ugu horresay tan iyo markii ay toogteen Kooxda Taliban.
Malala, oo hadda 20 jir ah oo ah gabar u ololeysa xaquuqul insaanka, ayaa waxaa madax ka toogtay rag hubaysan iyada oo u ololeynaysa waxbarashada gabdhaha sanadkii 2012-kii.
Inta ay ku sugan tahay Islamabad waxa ay la kumi doontaa Ra’iisal wasaaraha Pakistan Shahid Khaqan Abbasi.
Safarkeeda ayaan la shaacin “sababo amni darteed”, sida ay sheegeen mas’uuliyiinta.
Muqaal laga baahiyay midka mid ah telefishinada Pakistan ayaa laga arkay Malala oo ay wehliyaan waalidkeed amnigeeda la adkeeyay oo ka soo tagaya garoonka calaamiga ah ee diyaaraha ee Benazir Bhutto ee magaalada Islamabad.
Safarkeeda waxa uu qaadan doonaa afar maalmood, waxaa ku wehliyaa masuuliyiin ka socda sanduuqa Malala Fund. Lama oga wali in ay booqan doonto iyo in kale deegaanka ay ku dhalatay ee Swat Valley ee Gobolka Khyber Pakhtunkhwa halkaasi oo kooxo hubaysan oo ka tirsan Taliban ay ku toogteen bishii October ee sanadkii 2012-ka.
Dadka reer Pakistan gaar ahaan dhalinyarada iyo dadka u dhaqdhaqaaqa arrimaha xaquuqul insaanka ayaa aad u soo dhaweeyay dib u soo labashadeda Pakistan.

























