Malaayiin Xujay ah oo maanta taagan Buurta Carafo

1231

Malaayiin Muslimiin Xujey ah oo sanadkan gudaneysa Acmaasha Xajka ayaa maanta taagan Buurta Carafo, kaddib markii ay soo guteen Acmaal kala duwan oo ka mid ah Arkaanta Xajka.

Maanta oo ah Sagaalka Dulxaj, waxay Xujeydu taagan yihiin Buurta Carafo, halkaasoo ay ku duceysanayaan, waxay joogi doonaan illaa gabal dhaca maanta.

Xujeyda ayaa xalay ku baryay Mina,  iyagoo maantana ku Alle baryaya Banka Carafo, maalinta berito ahna waa ciidul Adxa,  sidaas ayaana la rajeynayaa iney kusoo gebageboowdo Acmaasha xajka ee sanadkan.

Xujeyda sanadkan gudaneysa acmaasha Xajka ayaa ka kala yimid dalal badan oo Muslimiin ah, iyagoo ah kala midab, kala luqad ayaa maanta waxaa mideyneysa Towxiidka Alle.

Sidoo kale Muslimiinta ku nool Caalamka ayaa maanta oo kale Sagaalka Dulhaj ay sooman yihiin, oo ah Sunno aad u ajar badan, lagana cafinayo dunuubta yar yar ee ay galeen labo sano.

Dowladda Sacuudiga ayaa sanad walba kordhisa adeegyada aas aasiga ah ee xujeyda, waxaana sanadkan la kordhiyay ciidamada ammaanka ee sugaya amniga.

Xujey fara badan oo Soomaali ah ayaa ka qeybgalay Xajka sanadkan,  kuwaas oo ka kala tegay dalka iyo dibada.

Dowladaha dunida Islaamka ayaa maalmaha ciida waxaa ay u tahay maalmo fasax qaran.

Dowladda Sacuudiga ayaa ah tan dadkeedu ay helayaan fasaxa ugu dheer.

Hoos ka akhriso qaar ka mid ah dalalka Islaamka inta maalmood ee ay ciidayaan.