Majaajileyste ku guuleystay wareeggii koowaad ee doorashada Ukraine.

688
Majaajileyste ku guuleystay wareeggii koowaad ee doorashada Ukraine. Aljazeera

Majaajileyste aan lahayn wax khibrad siyaasadeed ah ayaa sida natiijo hordhac ay muujineyso ku guuleystay wareeggii koowaad ee doorashada Madaxweynenimo ee dalka Ukraine.

Voldymyr Zelenisky oo marar badan barnaamij maad ah oo ka baxa Telefishinka ku metelay Madaxweyne ayaa helay codad gaaraya 30.4% halka Madaxweynaha hadda talada haya ee Petro Poroshenko oo galay kaalinta labaad uu helay 17.8%. Ra’iisul wasaarihii hore ee dalka Ukraine Yulio Tomyshenko ayaa u muuqata in gabi ahaanba tartanka laga saaray waxaana ay heshay sida hordhac 14.2% sida ay muujineyso natiijada hordhaca ah.

Madaxweynaha talada haya Petro Poroshenko iyo majaajileystaha oo labada u janjeera dhanka Midowga Yurub ayaa lagu wadaa in ay galaan tartan kala reeb ah maadaama natiijada doorashada ay midkoodna siineeyn tirada laga rabo.

Voldymyr Zelenisky waa majaajileyste caan ku noqday in uu Madaxweyne ku metalo barnaamij qosol oo ka baxa Telefishinka ku yaal dalka Ukraine. Malahan wax waayo aragnimo siyaasadeed ah oo waa dhawaan gal dha ka siyaasadda ah.
“Waan ku faraxsanahay, laakiin tani ma ahna natiijadii kama dambeysta ah” Voldymyr Zelenisky ayaa sidaas BBC-da u sheegay.

Dhanka kale Madaxweynaha talada haya ee dalka Ukraine Petro Poroshenko ayaa saadaasha ku tilmaamay “Cashir adag”.

Guddiga doorashada ayaa sheegay in According in boqolkiiba 63.4 ay tahay tirada codadkooda dhiibtay.

Wareegga laabad ee doorashada ee kala reebka ah ayaa dhici doono bisha April 21-keeda.