Magaalada caasimadda ah ee Muqdisho iyo guud ahaan magaalada waa wayn ee dalka Soomaaliya ayaa maanta oo Arbaco ah waxaa ka dhacay banaanbaxayo ballaaran oo looga soo horjeeday weerarkii bilowgii isbuucan ka dhacay isgoyska Zoobe ee magaalada Muqdisho kaasi oo ay ku dhinteen in ka badan 300 oo qof halka dhaawaca uu kor u dhaafay ka badan 500 oo qof.
Dadka banaanbaxayaasha ahaa ayaa waxaa u badnaa dhalinyero ayadoo magaalada Muqdisho guud ahaan laga dareemay dibadbaxaasi.
Wadooyinka muhiimka ah ee magaalada Muqdisho iyo goobaha ganacsiga ayaa maanta xirnaa.
Magaalooyinka banaanbaxyadu ay ka dhaceen waxaa ka mid ah Kismaayo, Baydhabo, Garowe iyo kuwo kale.
Dowladda Soomaaliya ayaa la filayaa inay fiidnimada caawa oo Arbaco ah ay soo bandhigto baaritaanada hordhaca ah ee ay Dowladda ka samaysay dhacdadii Zoobe.
Khuburada Militari ayaa sheegaya in weerarka loo adeegsaday wax yaabo qarxa oo ka badan labo tan kuwaasi oo isugu jira kuwo dalka gudihiisa lagu farsameeyay iyo waxyaabo qarxa oo lasoo casriyeeyay.