Madaxweynihii hore Zimbabwe Robert Mugabe oo geeriyooday

374
Hoggaamiyihii hore ee Zimbabwe Robert Mugabe ayaa geeriyooday isagoo da'diisu 95 sano jir. Sawirka/AP

Robert Mugabe, Madaxweynihii hore ee dalka Zimbabwe ayaa geeriyooday. Mugabe ayaa noqday hoggaamiyihii ugu horreyay ee Zimbabwe madax bannaanideeda kaddib. wuxuu dhintey isagoo da’diisu tahay 95 sano jir.

Wuxuu u dhintay xanuun muddo hayay, qoyskii ayaa xaqiijiyay. Mr Mugabe ayaa ku jiray cisbitaal kuyaala magaalada Singapore tan iyo bishii April.

Waxaa xukunka looga tuuray afgambi militari bishii November sanadkii 2017, taasi oo soo afjartay 30 sano uu awoodda haystay.

Waxa uu ku guulaystay doorashadii ugu horreysay ee madax-bannaanida kaddib, isagoo noqday Ra’iisul Wasaare sanakii 1980-kii. Waxa uu baabi’iyay xaafiiska sanadkii 1987, isagoo beddelay madaxweyne.

Wuxuu ku guuleystey doorashadii ugu horeysay ee Zimbabwe kadib xornimadiisa, isagoo noqday ra’iisul wasaare 1980. Wuxuu xafiiska ka takhalusay sanadkii 1987, isagoo bedelay madaxweyne.

Mugabe sannadihii hore ayaa lagu amaaney ballaarinta helitaanka caafimaadka iyo waxbarashada dadka tirada badan ee Madowga. Laakiin qorshihiisa dib-u-habeynta dhulka ee muranka dhaliyay wuxuu dhaliyay burbur dhaqaale oo sannadihii u dambeeyay waxaa hareeyay sumcad xumeyn dhanka xuquuqda aadaanaha iyo musuqmaasuq ah.

Ninka badalay, Madaxweynaha Zimbabwe Emmerson Mnangagwa, ayaa ka muujiyay geeridiisa dareen “murugo leh “, isaga oo ugu yeeray Mr Mugabe “aabihii aasaasay Zimbabwe” iyo “sumadda xorriyadda”.

SHARE