Madaxweynihii hore Xasan Sheekh oo mudo kadib Muqdisho ku soo laabtay

841

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo muddo labo sanno ah dalka dibaddiisa ku noolaa ayaa goor dhow kasoo degey garoonka Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho.

Madaxweynihii hore iyo xubnaha la socday oo ayaa  si diiran loogu soo dhaweeyay garoonka halkaas oo ay uga hortageen mas’uuliyiin ka tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo qaar kamid ah dadweynaha gobolka Banaadir, siyaasiyiin hore iyo qeybaha kale ee bulshadda.

Wasiirrada Qorsheyn Jamaal Maxamed Cusmaan iyo  midka amniga gudaha Maxamed Abuukar Isloow Ducaale ayaa ka mid ahaa xubnaha Golaha wasiirrada ee ka qeybgalay soo dhaweyntiisa.

Warar soo baxaya ayaa tilmaamaya in soo noqoshada Madaxweynihii hore ay la xiriirto aas-aasidda xisbi siyaasadeed oo dhowaan la filayo inay Muqdisho uga dhawaqaan, xisbigaas oo warar horudhaci tilmamayaan in Xasan Sheekh hoggaamin doono.

Xasan Sheekh Maxamuud ayaa muddooyinkii u dambeeyey ku noolaa dalka Turkey, isagoo Muqdisho ka dhoofay kaddib markii looga guuleystey doorashadii madaxtinimada ee dhacday horranta sannadkii 2017.

Socdaaalka Xasan Sheekh ee Muqdisho ayaa imaanaya xili maalintii shalay uu dalka ka dhoofay madaxweynaha imika tallada haya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo China shir uga qeybgalaya.