Madaxweynihii hore Shiikh Shariif oo weerar afka ah ku qaaday madaxda DFS

963

Madaxwaynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif  Sheekh Axmed oo shir jiraa’id ku qabtay Muqdisho ayaa si kulul uga hadlay xaaladda guud ee dalka iyo xanibaadkii shalay la saaray.

Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa ka hadlay xariyad uu sheegay in la saaray diyaarad u qaadi lahayd magaalada Kismaayo ayaa  isagoona sheegay in dowladda Soomaaliya ay kula kacday isaga iyo wafdigiisa ishortaag safar uu sheegay inay garoonka Aadan Cadde uga sii gudbi lahaayeen magaalada Kismaayo.

Sheekh Shariif ayaa ku dhaliilay dowladda arrimo ay ka mid yihiin amniga, dhaqaalaha iyo dastuurka oo uu sheegay in dhamman ay ka gaabisay, taasi bedalkeedna uu tilmaamay in ay xooga saartay dagaalka ay kula jirto siyaasiyiinta mucaaradka.

“Aniga waxaan lahaa dowladdan 4-ta sano hala sugo, laakiin haddii aysan dowladan samir u lahayn inay dadka u oggolaato xuquuqdii asaasiga ahayd, sidee dowladdan loogu aaminaa doorasho in lala tartamo.” ayuu yir Madaxweynihii hore ee Soomaaliya.

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif Axmed ayaa shirkiisa jaraa’id ugu baaqay dowladda Soomaaliya inaysan u horseedin dalka dib u dhac oo laga fogaado wax walba oo sharci darro ah, isagoona sheegay in sharciga loo wada simmanyahay.