Madaxweynihii hore ee dalka Tunisiya Zeyn Caabidiin Bin Cali ayaa ku geeriyooday dalka Sucuudiga kaddib xanuun uu muddo u jirinaa.
Zeyn Caabidiin ayaa ku jiray isbitaalka magaalada Jiddah halkaas oo looga daweynayay cudurka kansarka.
Ben Cali oo la afgambiyay sanaddkii 2011 ayaa musaafiris ku joogay dalka boqortooyada Sucuudiga.
Zeyn Caabidiin ayaa ahaa 83 jir, waxaana maxkamadaha dalka Tunisiya ayaa dhawr mar ku rideen xukunno isaga oo maqan.
Xukunadaas waxaa ka mid ahaa xabsi daa’in iyo xukunno kale.
Mudaharaadyadii xukunka looga tuura ayaa dalka Tuniisiya u horseeday in uu galo xukun dimuqraadi ah.