Madaxweynihii hore ee Soomaaliya oo dhaliil kulul u jeediyay madaxda DFS

678

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif Axmed, ayaa digniin xoogan u diray dowladda Soomaaliya ee uu hogaamiyo madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Eedeynta hogaamiyaha daladda ay ku mideysanyihiin xisbiyadda mucaaradka ayaa imaaneysa markii sida uu sheegay “xayiraad kooban lagu sameeyay” socdaal ay ku tegi lahaayeen magaaladda Beledwayne.

Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa qayb ka ahaa wafdi ka socday daladda ay ku mideysan yihiin Madasha Xisbiyadda Qaran iyo Xildhibaano kaalmo u siday degmadda Beledweyne.

Markii ay dib ugu soo laabteen caasimadda Muqdisho, gudoomiyaha Madasha ayaa si dulmar ah wuxuu uga hadlay safarkooda iyo “is hortaagii lagu sameeyay”.

“Madasha waxay u taagan tahay xuquuqda muwaadiniinta Soomaaliyeed ee aan hadlin karin ee la dul-minaayo maalin kasta,” ayuu hadalkiisa ku bilaabay.

Ma uusan fahfaahin waxay yihiin dulmiga uu ka dhawaajiyey in lagula kaco muwaadiniinta Soomaaliya ee guud ahaan dalka ku nool.

“Dulankaas xafiisyadda dowladda ayay ka dhacaan maalin kasta. Soomaaliyey maqla, cabashadiina nasoo gaarsiiya, meesha ugu sareysaan gaarsiineynaa”.

Hadalka Shariif ayaa imaanaya iyadda oo xifaaltanka siyaasadeed u dhaxeeya madaxweyneyaashii hore iyo dowladda Farmaajo uu gaarey meeshii ugu sareysay.

“Magaaladdan mooryaan ayaa haysan jirtay soo ma ahan, waa lala dagaalmaay waa laga bixiyey mise waa beentey? Itoobiyaan ayaa soo galay maxaa la sameey? waa laga bixiyey, Shabaabaa qabsaday waa laga saarey”.

Wuxuu intaasi ku daray: “…maka xoog badan yihiin dadkaan [dowladda taladda haysa]?”. Kadib markii uu saddex jeer dhaartay, Shariif ayaa raaciyey: “Hadii aysan joojin waan bixineynaa”. Ma sheegin waxa la joojinaayo.