Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Cali Mahdi oo ku geeriyooday Nairobi

563

Allaha U Naxariistee Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Cali Mahdi Maxamed ayaa caawa ku geeriyooday magaalada Nairobi ee dalka Kenya.

Madaxweyne Cali Mahdi oo Soomaaliya ka soo noqday Madaxweynihii 4aad ayaa ku geeriyooday Nairobi.  Waxaa uu ahaa siyaasi saameyn wayn ku leh saaxada siyaasadda Soomaaliya.

Allaha u Naxariistee Madaxweyne Cali Mahdi Maxamed ayaa la sheegay in muddooyinkaan uu ku xanuunsanayay magaalada Nairobi balse si rasmi ah looma xaqiijin xanuunka uu u geeriyooday.