Madaxweynihii hore ee Pakistan Musharraf oo dil lagu xukumay

755
Maxkamad ku taalla magaalada Islamabad ayaa Madaxweynihii hore ee Pakistan Pervez Musharraf ku riday xukun dil ah. Waxaa maxkamaddu sheegtay in lagu helay khiyaano sare. Photo courtesy: BBC

Jeneraal Pervez Musharraf, hoggaamiyihii hore ee militariga Pakistan, ayaa Maxkamad gaar ah oo ku taalla magaalada Islamabad ku xukuntay dil toogasho ah.

Maxkamadda ayaa ku riday xukun khiyaano sarre ah oo sugayay tan iyo sanadkii 2013.

Jeneraal Musharraf wuxuu xukunka kula wareegay afgambi militari aan dhiig ku daadan sanadkii 1999-kii wuxuuna soo noqday madaxweynaha dalka laga soo bilaabo 2001 ilaa 2008.

Haatan wuxuu ku sugan yahay magaalada Dubai ee dalka Imaaraadka ka dib markii loo oggolaaday inuu dalka ka baxo si uu u tago dhaqtar dibadda ah 2016.

Jeneraal Musharraf ayaa bishii hore muqaal siidayay isaga oo isbitaal dalka Imaaraadka ku yaalla jiifa, waxa uuna ku tilmaamay eedeymaha loo haysto kuwa aan sal lahayn.

Eedeyntu ayaa la xiriirta xayiraadii Jen Musharraf ee dastuurka sanadkii 2007, markii uu soo rogay xukun deg deg ah talaabo loogu talagay in kordhisto muddo xileedkiisa.

Bishii November 2007, Jeneraal Musharraf ayaa Dastuurka dalkaasi xayiraad saaray sagoo dalka ku soo rogay xaalad degdeg ah- talabaadiisa oo dhalisay dibadbaxyo waa wayn. Waxaa uu is casilay 2008dii si uu uga dhawr sado in xilka laga qaado.