Madaxweynihii hore ee Mareykanka George HW Bush oo da’da 94 jir ku geeriyooday

734

HOUSTON — Madaxweynihii hore ee Mareykanka George Herbet Walker Bush ayaa geeriyooday. Waxa uu ku dhintay da’da 94 jir, afhayeen u hadlay qoyska ayaa ku dhawaaqay.

George Herbet Walker Bush oo ahaa Aabaha dhalay madaxweynaha George Bush ayaa geeriyooday Jimcihii, siddeed bilood kadib dhimashadii xaaskiisa, Barbara Bush.

“Jeb, Neil, Marvin, Doro iyo anigu waan ka xumahay inaan ku dhawaaqo in kadib 94 sanno oo cajiib ah, aabaheena qaaliga ah ayaa dhintay,” wiilkiisa, madaxweynihii hore ee George W Bush, ayaa ku yiri qora ay soo saareen afhayeenka qoyskiisa.

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa war qoraal ah oo uu soo dhigay bartiisa Twitter-ka ku amaanay “xukunkiisii iyo hoggaamintiisii.

George H. W. Bush oo soo noqday madaxweynihii 41aad ee dalka Mareykanka ayaa xukuka hayay intii u dhaxeysay sanadihii 1989 iyo 1993, guulihii dhanka siyaasadda arrimaha dibadda uu gaaray oo lagu xasuusto waxa ka mid ah markii madaxweyne Saddam Hussein kii Ciraaq uu ka saaray dalka Kuwait markii Ciraaq ku duushay iyo soo afjarida dagaalkii qaboobaa ee dunida.

Waxaa sidoo kale lagu xasuustaa George H. Bush  in sideed sano kaddib wiilkiisa George Bush uu noqday Madaxweynaha Mareykanka iyo inuu Soomaaliya ciidamo Mareykanka u diray sanadkii 1993 wax yar kaddib inta uusan xukunka ka degin.