Madaxweynihii hore ee Koonfur Afrika Thabo Mbeki oo soo gaaray Caasimadda Muqdisho

666

Guddi sare oo ka tirsan Ururka Midowga Afrika oo uu hoggaaminayo Madaxweynihii hore ee South Africa Mudane Thabo Mbeki ayaa soo gaaray Gegidda Diyaaradaha ee Aadan Cabdulle ee Caasimadda Muqdisho.

Guddiggaan ayaa horay u tagay Magaalada Nairobi ee caasimadda dalka Kenya, waxaana ay la kulmeen Wasiirka Arrimaha dibadda dalka Kenya.

Waxaa sidoo kale ay la kulmeen Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta.

Waxaa uu la kulmi doonaa Madaxweynaha Soomaaliya, Ra’isalwasaare ku xigeenka iyo xubnaha Midowga Afrika ee ku sugan Muqdisho.

Si rasmi ah looma shaacin waxa ay ku saleysan tahay booqashada Thabo Mbeki ee Muqdisho iyada oo lagu wado in dowladda Soomaaliya ka hadasho safarkiisa.