Madaxweynihii hore ee Koonfur Afrika oo xalay casho sharaf loogu sameeyay Villa Soomaaliya

709

Waxaa xalay madaxtooyada Soomaaliya lagu qabtay kulan casho sharaf lagu maamuusayo Xubnaha wafdigii uu hoggaaminayay madaxweynihii hore ee dalka Koonfur Afrika Thabo Mbeki oo haatan haya gudoonka guddiga la talinta Midowga Afrika.

Madaxweyne Farmaajo ayaa guddigan ka socday Midowga Afrika uga warbixiyey dadaallada dib u dhiska dalka iyo caqabadaha ay doonayaan shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed in ay wadajir uga gudbaan waxaana uu madxweynaha tilmaamay muhiimadda ay amniga Gobolka u leedahay in la iska kaashado la dagaallanka argagaxisada.

“Dagaalka aan kula jirno argagixisada ma ahan mid ku kooban Soomaaliya, waa dagaal u yaalla dhammaan dalalka Gobolka. Wax ka qabashada aragagixisadu waxa ay u baahan tahay jawaab heer Gobol ah iyo aragti mideysan oo aan ka yeelanno xaqiijinta amniga guud ee Gobolka.”

Madaxweyne Famaajo ayaa sheegay in doorka Dowladda Soomaaliya ay ka qaadanayso arrimaha Geeska Afrika iyo goobta istaraatiijiga ah ee uu dhaco dalkeennu ay horseedayso in aan xarun weyn u noqonno diblomaasiyadda iyo ganacsiga Gobolka.

Thabo Mbeki ayaa dhankiisa ka sheekeeyey doorkii hormuudnimada ahaa ee dowladdii Soomaaliya ay ka qaadatay taageeridda dhaqdhaqaaqyadii xornimo doonka dalalka Afrika xilliyadii guumeystaha Afrika heystay.

“Sharaf ayay ii tahay in aan Muqdisho imaado 45 sanno ka dib. Waxaan halkan joogay 1974, xilligaas Soomaalidu waxa ay ahaayeen dad mideysan iyo dal xoog leh.”

Madax iyo marti sharaf kala duwan ayaa ka soo qeyb galay kulanka casha sharafta loogu sameeynayay wafdigan labadii maalin ee la soo dhaafay ku sugnaa magaalada Muqdisho.