Madaxweynihii hore ee dalka Kuuriyada Koonfureed Park Geun-hye ayaa maxkamad dalkasi ku taalla waxa ay ku heshay dambi ah in ay ku kacday musuqmaasuq iyo in ay awoodda ku takrifashay, waxaana lagu xukumay 24 sanno oo xabsi ah.
Xukunka Madaxweyne Park ayaa sii kiciyay fadeexada musuqmaasuqa, kaasi oo hareeysay Kuuriyadda Koonfureed iyo carada loo qabo shaqsiyaadka iyo ganasactada ugu awoodda badan.
” Madaxweynuhu waxa uu ku takri falay awoodii shacabku ay u dhiibteen,” sidaas waxaa maxkamada ka akhriyay xaakimka, isaga oo ku daray in go’aanka xukunkaan uu farriin adag u dirayo hogaamiyaasha mustaqbalka dalka.
Ms. Park ayaa lagu helay 16 ka mid eedeymaha dacwada lagu soo oogay ee la xariira musuqmaasuqa taasi oo keentay in xaafiiska laga eryo sanadkii hore. Waxaa sidoo kale lagu ganaaxay lacag gaaraysa $17 milyan oo doollar.
Madaxweynihii hore ayaan maxkamada ku sugnayn markii xukunka la ridayay, iyada garyaqaanka waxa ay diideen in ay ka qeybgalaan dhageysiga dacwadeeda.
Waxaa xukunka toos looga baahiyay telefishinka taasi oo ah markii ugu horresay oo xukun maxkamadeed dalka Kuuriyada Koonfureed warbaahinta toos looga tabiyo.
Waxaa la filyaa in ay racfaan ka qaadato xukunka Maxkamadda.