Madaxweynihii hore ee Maldives ayaa lagu sii daayay dammaanad kadib markii la xiray horaantii sanadkan.
Maxkamadda sare ayaa amar ku bixisay in la sii daayo Maumoon Abdul Gayoom, oo lagu xiray gurigiisa taasi oo qayb ka ah olole mucaarad ah ka dhan ah bishii February.
Waxaa lagu eedeeyay in uu isku dayay in uu afgembiyo dowladda walaalkiis, Madaxweyne Cabdullaahi Yameen.
Mr Yameen ayaa si la filaan ah looga guuleystay doorashadii madaxtinimo ee bishii hore ka dhacday jasiirada Maldives.
Ku guuleystaha, Ibrahim Mohamed Solih, ayaa ku boorriyay Mr Yameen inuu xabsiga ka sii daayo dhammaan maxaabiista siyaasadeed.
Madaxweyne Yameen ayaa xabsiga dhigay ama ma saafuriyay inta badan dadka isaga ka soo horjeeda inti I lagu guda jiray shantii sano ee uu xukunka hayay taasi oo ugu eg bisha November ee sanadkaan.
Mr Gayoom, oo 80 jir ah, ayaa awoodda haystay muddo 30 sanno ah isagoo xukumayay jasiirada Maldives ilaa iyo sannadkii 2008-da, markii ay Maldives yeelatay nidaamka dimuquriyaadiyada xisbiyada badan.
Sanadkii 2016 ayuu mucaraadka ku biiray markii ay isku dhaceen walalkiis Abdulla Yameen.