Madaxweynihii hore ee Brazil oo xabsiga laga sii daayay

640
Lula da Silva madaxweynihii hore Brazil oo xabsiga laga siidaayay. AFP

Madaxweynihii hore ee dalka Brazil Lula Da Silva ayaa jimcihii xabsiga laga soo daayay kaddib markii ay maxkamad xukuntay in la sii daayo. Arrintaan ayaa sababtay in dhinacyada siyaasadda ku kala duwan ay ku baaqeen dibadbaxyo iska soo horjeeda maalmaha soo socda.

Markii uu ka soo baxay xabsiga oo uu 19 bilood ugu xirnaa eedo laaluush qaadasho ayuu waxa uu cirka u taagay gacantiisa oo laaban iyada oo ay si weyn usoo dhaweyeen taagerayaasha xisbigiisa shaqaalaha oo ruxayay calan guduudan iyo boorar ay ku qoranyihiin soo daaya Lula.

Siideyntiisa ayaa laga yaabaa in ay dalka galiso xasillooni darro siyaasadeed maadaama ay horay u jirtay deganaaansho la,aan siyaasadeed tan iyo markii la dooratay maadaxweynaha dhanka midig u janjeera Jair Bolsonaro oo Lula da Silva uu sheegay in uu ku soo baxay doorasho lagaga shubtay xisbigiisa shaqaalaha.

Madaxweyne Lula di Silva ayaa mar uu taageerayaashiisa la hadlay waxa uu sheegay in ay u dagaalami doono si uu naftiisa uga bari yeelo eedaha uu sheega in ay ka dambeeyaan garsoorayaal iyo booliis musuq dillooday.

Dhinacyada kale ee ka soo horjeeda sii deyntiisa ayaa ku tilmaamay in uu xabsiga ka baxo isla xisaabtan la,aan heerkii ugu sarreeyay.

Madaxweyne Lula ayaa horay usoo ahaa Madaxweynaha Brazil isaga oo ka tirsanaa xisbiga shaqaalaha oo dalkaas xukumayay laga bilaabo 2002 ilaa iyo 2016.

Dagaalka siyaasadeed ee u dhaxeeya xisbiga midigta ee talada haya iyo kan bidixda ee Madaxweynihii hore ka tirsan ayaa laga yaabaa in ay saameyn ku yeelato suuqa saamiyada dalka Brazil.