Madaxweynihii Burundi oo geeriyooday

561
Pierre Nkurunziza oo 55 jir ahaa ayaa geeriyooday Talaadadii kaddib xanuun wadnaha ah. AFP

Dowladda Burundi ayaa sheegtay in madaxweynaha xilka ka sii degaya ee Pierre Nkurunziza, oo 55 jir ah uu u dhintay wadno xanuun.

Qoraal lagu soo daabacay barta Twitter-ka Talaadadii, ayay dowladdu “iyadoo si weyn uga murugaysan ku dhawaaqday” geeridada madaxweynaha.

Sida lagu sheegay qoraalka, Nkurunziza ayaa galabnimadii Sabtida ka qayb galay ciyaar kubbadda kolay ah, waxaana loo qaaday cisbitaalkaas habeenkaas kadib markii uu xanuunsaday.

In kasta oo uu u muuqday inuu ka soo kabanayo Axadda oo uu lahadlay dadkii agtiisa joogay, haddana xaaladdiisu si lama filaan ah ayay uga sii dartay subaxnimadii Isniinta. Kadib waxaa ku soo booday wadno xanuun in kasta oo isku day degdeg ah oo dib loogu tacaalayo, dhakhaatiirtu way kari waayeen in ay badbaadiyaan.

Nkurunziza wuxuu ku dhintay isbitaal ku yaal Karuzi, oo ku taalla bariga Burundi.

Dowladdu waxay sheegtay in ay jiri doonto muddo baroordiiq qaran ah oo socon doonta muddo toddobo maalmood ah laga bilaabo Talaadada iyo in calanka hoos loo dhigi doono.