Saudia Arabia: Magaalada Jeddah ee bortooyada Sacuudiga shalay waxa kulan ku yeeshay madaxweynaha Eriteriya Isaias Afwerki iyo madaxweynaha Jabuuti Ismail Cumar Guelleh oo labadooda dal cadaawad dheer ka dhaxeysay.
Labada Madaxweyne ayaa isku afgartay in la furo big cusub oo wadashayn iyo xiriir wanaagsan oo dhexeeya labada dal ee walalaha ah sida uu bartiisa Twitter-kkale qoray wasiirka warfaafinta Eriteriya.
In a meeting in Jeddah yesterday, President Isaias Afwerki & President Ismail Omar Guelleh agreed to open a new chapter of cooperation & good neighborliness between the two sisterly countries. The two leaders also thanked King Salman & z Crown Prince for their invaluable efforts. pic.twitter.com/nAObgcLATA
— Yemane G. Meskel 🇪🇷 (@hawelti) September 18, 2018
Labada Madaxweyne ayaa is gacan qaaday iyadoo sidoo kalena uga mahadceliyay boqor Salmaanka Sacuudiga dadaalada iyo gacanta uu ka geystay isu keenida labada dal.
Dowladda Soomaaliya ayaa door muhiim ah oo taariikhi ah ka qaadatay heshiisiinta iyo isu dhawaynta Eriteriya iyo Jabuuti.
Boqortooyaa Sacuudiga ayaa sheegtay in ay heshiisiinayso labada dal iyado ku marti gelisay shir ay ku qabtay magaalada Jeddah inkasta oo aysan wali heshiis rasmi ah oo colaadda in muddo ah ka dhexeysay Eriteriya Jabuuti lagu soo afjaray.
Eritrea iyo Jabuuti ayaa waxa ka dhexeysa caadawad muddo dheer soo jirtay taasi oo salka ku haysa muran dhuleedka ku teedsan xudduuda ay labada dal waddaagaan.