Madaxweyne Xasan Sheekh oo gaaray magalaada Nairobi

106

Muqdisho, Luulyo 15. 2022; Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa gaaray maanta magaalada Nayroobi ee dalka Kenya kadib casuumaad uu ka helay Madaxwayne Uhuru Kenyata.

Waxa Madaxweyne Xasan Sheekh ku soo dhaweeyay garoonka caalamiga ah ee Diyaaradaha ee JKIA Wasiirka Beeraha dowladda Kenya iyo Safiirka Soomaaliya u fadhiya Kenya Maxamuud Axmed Nuur Tarsan.

Madaxweynaha ayaa dhiggiisa dalka Kenya Uhuro Kenyata la yeelan doona wadahadallo ku saleysan sidii loo xoojin lahaa iskaashiga iyo xiriirka soo jireenka ah ee ka dhexeeya labada dal, iyadoo ay ka wada xaajoonayaan xal u helidda caqabadaha isbeddelka cimilada, abaaraha, amniga iyo dhaqaalaha, sida lagu xusay qoraal ka soo baxay Madaxtooyada Soomaaliya.

Safarka Madaxweyne Xasan Sheekh ee Kenya ayaa qeyb ka ah socdaal uu ku marayo qaar ka mid ah dalalka Gobolka ee ku saleysan xoojinta xiriirka iyo Iskaashiga, sida lagu sheegay qoraalka Villa Somalia ka soo baxay.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa inta uu ku sugan yahay Nayroobi waxa uu kulammo kala duwan la qaadan doonaa Jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku dhaqan dalkaas, si uu uga xog wareysto xaaladdooda iyo duruufaha ku xeeran, isagoona ka dhageysan doona talooyinka iyo tilmaamahooda ku aaddan horumarka iyo xasilinta dalka.

SHARE