Madaxweyne xafiiskiisa masas uga cararay

85

Masas ayaa lagu arkay xafiiska Madaxweynaha dalka Liberia George Weah taas oo ku qasabtay in uusan soo xaadirin xafiiska oo taa badalkeeda uu ku shaqeeyo gurigiisa.

Xoghayaha warfaafinta madaxtooyada Liberia  Smith Toby ayaa BBCda u sheegay Arbacadii in labo mas oo waa weyn lagu arkay  wasaaradda arrimaha dibadda oo ah xafiiska rasmiga ah ee Madaxweynaha dalka Liberia.

Shaqaalaha xafiiska Madaxweynaha Liberia ayaa la faray in aysan imaan shaqada ilaa iyo 22 bishaan inta laga  soo afjarayo masaska ku jira xaruunta wasaaradda arrimaha dibadda oo uu ku shaqeeyo Madaxweynaha Liberia.

Xoghayaha warfaafinta madaxtooyada Liberia ayaa sheegay in masaska aan marnaba la dilin oo ay galaan godad ay ka sameyteen sidaas darteedna ay mar kale usoo noqdeen.

Madaxweynaha dalka Liberia ayaa ku shaqeeya xaruunta wasaaradda arrimaha dibadda tan iyo sannadkii 2006 markaa soo uu dab qabsaday qasrigii madaxtooyada Liberia.

SHARE