Muqdisho (UM) – Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa maanta booqasho rasmi ah ugu ambabaxay dalka Talyaaniga, taaasi oo noqoneysa booqashadii ugu horresay uu ku tago Talyaaniga tan iyo markii xaafiiska loo dooortay.
Sidii madaxdii isaga ka horreysay dowladda Talyaaniga waxa ay ku soo dhawayn doontaa Madaxweyne Farmaajo wafdigiisa baasto iyo Kafee kala duwan oo uu Talyaanigu caan ku yahay. Madaxweynaha waxaan kula talinaynaa inuu labadaba uu aad uga dhargo laakiin uusan ku iloobin xaalada rasmiga ah ee Talyaanigu maanta ku jiro oo aan wanaagsanayn.
Maanta, Talyaaniga waxaa ka taliya labo xisbi oo midigta ah oo u balan qaaday sidii madaxweyne Trump-ka Mareykanka in ay danta Talyaaniga mar walba kow ka dhigayaan. Ilaa hadda Miisaaniyadda sanadka soo socota ee dowladda Talyaaniga iyo Midowga Yurub waa ay isku haystaan waayo Talyaanigu deyntii sharciga ahayd ee lagu lahaa ayay jabiyeen. Shaqa la’aanta ka jirta Talyaaniga waxa ay ka mid tahay kuwa ugu sarreeya Yurub. Waxaa loo baqayaa in dhaqaallaha Yurub oo dhan uu hoos u dhac ku yimaado.
Wasiirka Arrimaha Gudaha ahna Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Talyaaniga Matteo Salvini sidoo kalena ah Guddoomiyaha xisbiga Northern League oo ah xisbi siyaasaddiisu ay ka soo horjeedo dadka soo galootiga, ayaa u sheegay dadka qaxootiga ee sharci darrada Talyaaniga ku joogo in ay boorsooyinkooda xirxirtaan guriyahoodiina ay ku laabtaan. Dadkaan waxaa ka mid ah dad Soomaaliyeed oo ay dowladda Talyaaniga ay doonayso inay dib ugu soo celiso Soomaaliya, haddii ay suuragal u tahayna ay diyaarada Madaxweynaha la soo saari lahayd.
Soomaaliya iyo Talyaaniga waqtigii gumaysiga kaddib xiriir wanaagsan ayaa ka dhexeeyay. Dowladda Talyaaniga waxay ka mid ahayd dowladdaha ugu dhaw Soomaaliya oo xiriir rasmi ah oo nuuc walba ah kala dhexeysay. Hase yeeshee, Talyaanigii hore maaha Talyaaniga maanta, sida aysan Soomaaliyada maanta aysan u ahayn Soomaaliyadii hore. Labada dowladoodba waxaa haya dhaqaalo xumo iyo siyaasado aan fadhin. Sidaa darteed, waxaa muhiim ah in Madaxweyne Farmaajo si fiican oo taxadar leh xaalada u qiimeeyo oo uuna culays saaro wixii suurtagal ah marka uu la kulmo madaxda Talyaaniga.
Waxaa suurtagal ah in Madaxweyne Farmaajo uu ka codsado dowladda Talyaaniga inay xoojiso xiriirka amniga ee labada dal ka dhexeeya waliba si qaas ah, tababarka Hey’adaha amniga iyo wadaagidda xogta sirdoonka. Talyaanigu ma hayo lacag uu maanta deeq ku siiyo Soomaaliya laakiin waxaa jira shirkaddo badan oo Talyaani ah oo ka faa’iidaysan kara kheyraadka Soomaaliya iyagoo la imaanaya Tiknooloojiyad iyo shaqo abuuris iyo waliba xirfadaha dalka waxa ku soo kordhin kara. Waa inuu ku qanciyaa Madaxweynuhu shirkaddaha Talyaaniga in dowladdiisu ku soo dhaweynayso gacmo furan ayna ku ilaalinayso dantooda sharci, waliba waxaa wanaagsanayd inuu safarkani sii ka xaysto ganacsato Soomaaliyeed si ay uga hadlaan fursadaha iskaashiga ganacsiga ee dhex mari kara labada dhinac.
Dowladda Soomaaliya waxaa ay Rome ku leedahay dhismayaal badan oo inta badan burbursan oo ay ka mid tahay dhismaha safaarada Soomaaliya ee Rome iyo guriga rasmiga ah ee Safiirka. Waxaa la gudboon dowladda Soomaaliya inay mid ka mid ah guriga ugu wayn dhismayaasha Rome ku yaal ay iibiso si ay ugu dhisto ama ugu dayactirto dhismayaasha saafaraha Soomaaliya ay ku leedahay waddamada Yurub. Fool xumada iyo burburka ka muuqda dhismaheena safaaradda Talyaaniga waa ceeb qaran oo u baahan in si degdeg ah wax looga qabto.
Dowladda Talyaaniga waxa ay u badan tahay in Soomaaliya ay ka codsato in ay muwaadininteeda dib u ceshadaan, taasi oo u baahan in aad looga fiirsado iyadoo la eegayo xaaladada Soomaaliya ay ku sugan yahay iyo duruufaha dadka qaxootiga ku ah Talyaaniga. Arrintani ma ahan mid si fudud loo siyaasadayn karo si loo qanciyo dowladda Talyaaniga waayo shuruudo badan oo caalami ah ayay ku xiran tahay. Arrimaha culus ee xiriirka labada dal ka dhaxeeya waa in uusan Madaxweynuhu talo wanaagsan ka sugin wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya Axmed Cawad oo toddobaadkaan isku ceebeeyay mar labaad arrinta Turkiga iyo Sacuudiga ka dhex taagan ee ku saabsan Kiiska dilka Jamal Khashoggi.
Mudane, Madaxweyne ku raaxayso baastadaada, kafeega iyo jalaatadada laakiin ogsonoow booqashadaan waxa ay ka mid tahay kuwa ugu adag, sida qoraalkeenu uu caddeynayo, balse waxaan rajaynaynaa in aad BAASTO ka badan aad safarkaan kala soo laabato!