Madaxweyne Waare oo is casilay

588
Madaxweynaha Maamulka Hirshabeelle Maxmamed Cabdi Waare ayaa shaaciyay inuu iska casilay xilkii Madaxweynaha Hirshabelle.

Jowhar – Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hirshabelle Maxamed Cabdi Waare ayaa shaaciyay inuu iska casilay xilkii Madaxweynaha Maamulka Hirshabeelle.

Madaxweyne Waare ayaa ka sheekeyay taariikhdii iyo hannaankii ay soo martay dhismaha dowlad Goboleedka Hirshabelle. Waxa uu sidoo kale ka hadlay arrimaha amniga, dhaqaale iyo horumarka Hirshabelle.

Madaxweynaha Hirshabelle ayaa sidoo kale ka hadlay arrimaha doorshada Hirshabelle ee hadda khilaafka xooggaan uu ka taagan yahay. Waxa uu sheegay in doorahada Hirshabelle ay ku soo aaday iyadoo lagu mashquulsan yahay dooraashada heer Federaal.

” Waxaan ku taliyey in uga yaraan la tartibiyo howlaha socda si dhamaan inta talada ku leh isaga warsadan go’aannau wada gaaraan. Bedelkeeda waxaa bilowday isxulafeysi, wax kala boobid, iyo
gooni utashi. Waxaa nasiib darro ah in ay arrintaas iyo inay saas wax u dhacaan ku qanceen Duubabka HirShabelle, Hoggaanka kale ee Hirshabelle, Xildhibaanada metela Hirshabelle, iyo Dowladda Federaalka” ayuu yiri Madaxweyne Waare.

Waxa uu ku eedeeyay hogganka mucaaradka oo badankoodu ka soo jeedaan Hirshabelle, kuwaas oo ka hadli jiray dhibaatooyin ka taagan
degaanno kale iyo Dowlad Goboleedyo kale, ay ka hadli waayaan xaaladda Hirshabelle una arkaan in waddo wanaagsan lagu socdo.

“Sida uu qabo Dastuurka ku-meel-gaar ah ee Dowladda Hirshabelle, qodobka 52, waxaan iska casilay xilka Madaxweynaha Dowladda Hirshabelle oo xubin ka al Dowladda Federaalka Soomaaliya, Maanta oo ah Isniin, November 2, 2020 sqacadda 11:00a.m. ee waqtiga Muqdisho”. Ayuu ku yiri qoraalka uu isku casilay Madaxweyne Waare ee uu soo dhigay bartiisa Twitter-ka.

Iscasilaada Madaxweyne Waare ayaa imaanaysa iyadoo khilaaf iyo isqabqabsi siyaasadeed uu ka jiro Maamulka Hirshabeelle oo lagu waddo in ay ka dhacdo doorashada Guddoonka Baarlamaanka iyo Madaxweynaha.