Madaxweyne Trump walaalkii oo geeriyooday

608
Robert Trump ayaa ka yaraa walalkii Donald Trump waxaa uu ku geeriyooday da'da 71. Sawirka/ AP

Robert Trump oo ahaa walaalka ka yar Madaxweyne Trump ayaa fiidnimadii Jimcaha ku geeriyooday isbtitaal ku yaal magaalada New York halkaa oo uu ku xanuunsanayay.

Warkaan ayaa lagu sheegay qoraal ka soo baxay Aqalka Cad oo ku saabsanaa geerida Robert Trump oo la dhashay Madaxweyne Trump. Donald Trump ayaa booqasho ku aaday magaalada New York si uu u soo arko walaalkii oo aad u xanuunsanaa.

Qoraalka ka soo baxay Aqalka Cad oo la soo daayay goor dambe oo sabtigii ah ayuu Trump ku sheegay in Robert uusan kaliya ahayn walaalkii, laakiin uu ahaa saaxiib aad ugu dhow. Trump ayaa yiri “waan tabi doonaa xusuustiisu qalbigeyga kama baxeyso “.

Robert Trump oo da’diisu ahayd 71 jir ayaa ahaa midka ugu yar qoyska reer Trump oo shan xubnood ahaa. Waxa uu inta badan ahaa mid aan sida walaalkii ka muuqan fagaarayaasha oo qunyar socod ah.