Madaxweyne Trump: Waa uu burburay wadahadalkii Taalibaan

543
Madaxweyne Trump ayaa ku dhawaaqay inuu baajiyay wadahadladii nabada ee la qorsheeyay inuu la yeesho kooxada Taliban ee dalka Afganistan. Sawirka/AP

Madaxweynaha dalka Maraykanka Donald Trump ayaa isniintii sheegay in uu gabi ahaanba uu burburay wadahadalkii u dhaxeeyay Maraykanka iyo ururka Taalibaan, uuna ka fekarayo sidii uu ciidankiisa ugala soo bixi lahaa dalka Afghanistaan.

Madaxweyne Trump ayaa hadalkaan  ka sheegay shir jaraa’id oo uu ku qabtay aqalka cad isaga oo ku sii jeeday gobolka North Coroline. Dhowr bil  oo wadaxaajood ah kaddib Madaxweyne Trump ayaa sabtigii si lama filaan ah waxa uu u sheegay in uu joojiyay kulan Camp David ku dhexmari lahaa isaga iyo dhiggiisa Afghanistaan oo ay wehliyaan kooxda Taalibaan wakiillo ka socda. Ujeedka kulanka la baajiyay ayaa ahaa sidii heshiis looga gaari lahaa dagaalka labaatan jirsaday ee ka  socda dalka Afghanistaan.

Arrinta kusoo korortay wadaxaajoodkii Taalibaan iyo Maraykanka ayaa imaaneysa iyada oo labada dhinac ay isku raaceen heshiis qabyo ah oo Maraykanku  uu ciidankiisa kala baxayo dalka Afghanistaan. Sababta keentay in Madaxweye Trump uu joojiyao kulankii la filayay in axadda uu ka dhaco Camp David ayaa lagu sheegay weerar ay Taalibaan ka geysatay magaalada Kaabuul oo ay ku dhinteen 12 ruux oo uu ku jiro askari Maraykan ah.

Ma cadda in gabi ahaanba wadahadalladu ay bureen, laakiin Mdaaxweyne Trump ayaa sheegay in ay dhankiisa ka burbureen oo aysan jirin wax rejo ah. Dhanka kale kooxda Taalibaan oo war saxaafadeed soo saaray ayaa sheegay in burburka wadahadallada ay horseedi doonaan khasaaro hor leh oo Maraykanka soo gaara sidoo kalena ay dhaawac u geysan doonto sumcadda Maraykanka, iyada oo bannaanka keeni doonto mowqifka dhabta ah ee Maraykanka ee ku aaddan nabadda Afghanistaan.

Taalibaan ayaa intaas ku dartay in halgankooda uu sii socon doono inta dalka laga saarayo ciidanka shisheeye oo dadka Afghanistaan loo madaxbannaaneynayo arrimaha dalkooda si ay go`aan uga gaaraan.

Madaxweynaha Afghanistan Ahsraf  Ghani ayaa mar kale ku celiyay baaqa nabadeed isaga oo sheegay in nabadda ay ku xirantaay shuruudo ay ka mid tahay in xabadda la joojiyo oo Taalibaan ay diidantahay.

Madaxweyne Trump ayaa gai ahaanba meesha ka saaray in khilaaf maamulkiisa dhexdiisa ka jira dartiis uu u baajiyay kulanka. Warbaahinta Mareykanka ayaa ku warrantay in la taliyaha amniga iyo xubno kale ay ka soo horjeesteen in Taalibaan lagu casuumo Mareykanka. Dadka qaar ku sugan Washington ayaa dareen ka muujiyay in casuumaadda Taalibaan ay ku soo aaddo xuskii 11 September oo Mareykanku xusayo weeraradii lagu qaaday dalkaas sanadkii 2001.