Madaxweyne Trump ayaa Arbacaddii weydiistay xoghahaya arrimaha dibadda Marayknaka Mike pompeo in si dhaw ugu kuurgalo beeraha ay la wareegeyso dawladda iyo sidoo kale dilalka ka dhanka ah beeraleyda caddaanka ah.
Arrintaas ayaa keentay in dawladda Koonfur Afrika ay ku eedeyso madaxweyne Trump in uu hurinayo kala qaybsanaan ku saleysan midab .
Weeraha Donald Trump ayaa cirka ku sii shareeraya dood ku aaddan dhulalka iyo beeraha oo inbadan ka taagneed dalka Koonfur Afrika oo ah dal wali aad u kala qaybsan.
Afahayeen u hadashay madaxweynaha Koonfur Afrika ayaa sheegtay in wasaaradda arrimaha dibadda ee Koonfur Afrika ay sharaxaad ka sugeyso safaaradda dalka Maraykanka ee magaaladda pretorea, iyada oo ku tilmaamay hadalka Trump mid aan waxba ka ogeyn waxa jira.
Koonfur Afrika waxa ay iska diideysa aragtidaan ka maran aqoonta ee ujeedkeedu yahay in dadkeena lagu kala qaybiyo si loo xasuusiyo waayihii gumeysiga iyo midab takoorka .Ayaa lagu yiri war lagu daabacay barta rasmiga ah ee dawladda Koonfur Afrika ay ku leedahay Twitterka.
Madaxweynaha dalka Koonfur Afrika Cyrul Ramphosa ayaa koowdii bisha Augst sheegay in xisbiga talada haya ee ANC ay qorsheeynayaan in ay badalaan dasturka dalka si loo meel mariyo sharci banneeynaya in dhulka si xoog ah ay dawladdu kula wareegi karto, iyada oo aan wax magdahw la siineeyn dadka beeraha leh.
Inta badan dhulalka cosobka ah ee wax lagu beero waxaa leh oo heysta dadka caddaanka ah waana tan keentay in madaxweyne Trump uu arrinta soo faragaliyo , iyada oo laga yaabo hadalkiisu in uu keeno khilaaf diplomaasiyadeed ee dhexmara Koonfur Afrika iyo Maraykanka.