Madaxweyne Trump oo xaaladdiisu wanaagsan tahay lagana yaabo inay ka darto maalmaha soo socda

297
Madaxweyne Trump  oo xaaladdiisu wanaagsantahay lagana yaabo inay ka darto maalmaha soo socda.

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa sheegay in uu wanaagsan tahay caafimaad ahaan hayeeshe maalmaha soo socda laga yaabo in xaaladdiisu xumaato.

Muuqaal uu soo duubay oo fiidnimadii sabtiga oo la soo dhigay barta Twitter-ka ayaa yimid kaddib hadallo isbarbar yaac ah oo ku saabsan xaaladdiisa caafimaad kaddib markii laga helay Fayraska Corona.

Dhaqtarka gaarka ah ee Madaxweyne Trump Sean Conley ayaa sheegay in Madaxweynaha ay xaaladdiisu ay soo hagaageyso tan iyo intii laga helay cudurka.

Trump ayaa habeenkii labaad ku qaadanaya isbitaalka waxaa muuqaalka uu soo duubay muujinayaa isaga oo wata jaakad aan lahayn wax garabaati ama qoor xir ah.

Dhaqtarkiisa ayaa tilmaamay in wali aysan xaaladdu fiicneyn, laakiin Madaxweynuhu sameynayo horumar. Trump ayaa u mahadceliyay dhaqaatiirta la tacaaleysa isaga iyo xaaskiisa oo cudurku ku dhacay.

Fayraska Corona ayaa sidoo kale laga helay Senator ka tirsan Aqalka Senate-ka Mareykanka iyo taliyeyaal sare sare oo ka tirsan xaafiiska Madaxweyne Trump.

SHARE