Madaxweyne Trump oo warqadaha aqoonsiga ka guddoomay Safiirka Sacuudiga

53

Washington- Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa Aqalka Cad uga guddoomay warqadaha aqoonsiga danjiranimo Safiirka cusub ee Boqortooyada Sacuudiga ay u soo magacoowday Washington, Amiirad Raheema bint Banadar al-Saud.

“ Waxan warqadaha aqoonsiga geeyay maanta Aqalka Cad. Waxaan geeyay salaan aan ka siday hoggaanka Boqortooyada Sacuudiga. Waxaan rajeyneynaa in aan ka shaqeyno xoojinta iyo adkeynta iskaashiga taariikhiga ah ee Sucuudiga iyo Maraykanka, “ayay tiri safiirku.

” Iskaashiga Sucuudiga iyo Maraleykanka waxay lagama maarmaan u tahay danaha labada dal, waxaanan kalsooni ku qabnaa in labada dal ay awood u leeyihiin in ay ka gudbaan wax walba oo ku wajahan heer gobol ama heer caalami,” ayay ku tiri qoraal ay soo dhigtay barteeda Twitter-ka.

Ambassador Reema bint Bandar al-Saud ayaa soo gaartay magalsada Washington toddobaadkii hore si ay hawsheeda safiirnimo u bilowdo. Waxay noqotay safiirkii 11-aad ee Sacuudiga ee Mareykanka tan iyo sanadkii 1945-kii, sidoo kale haweeneydii ugu horreysay ee Sucuudi ah ee qabta jagadaan.

Maalintii kowaad, safiirka Sacuudiga ayaa la kulantay Kaaliyaha Xoghayaha arrimaha dibadda Mareykanka u qaabilsan arrimaha Bariga Dhexe iyagoo ka wadahadlay sidii loo xoojin lahaa xiriirka labada dal.

Amiirad Reema waa gabadha Amiir Bandar bin Sultan, kaasi oo sidoo kale soo noqday Safiirka Sacuudiga ee Mareykanka intii u dhexeysay 1983 ilaa 2005. Amiir Bandar ayaa horrey u soo noqday sidoo kale Xoghayaha Guud ee Golaha Qaranka Amniga Sacuudiga iyo Agaasimaha Guud ee sirdoonka Guud ee Madaxtooyada.

SHARE