Madaxweyne Trump oo waqti ay u qabteen Congress-ka an kusoo gudbin warbixinta dilkii Khashoggi

67
Madaxweyne Trump ayaa saxiixay hindise sharciyeedka ogolaanaya in hawlaha dowladda dib loo furo muddo saddex toddobaad ah. Sawirka: Reuters

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa diiday in uu Aqalka Congress-ka u gudbiyo warbixin ku saabsan dilkii wariye Jamaal kashogi ee ka dhacday qunsuliyadda Sucuudiga ee dalka Turkiga.

Congress-ka Mareykanka ayaa bishii Oktoobar ee sannadkii hore waxay codsi ku aaddan in la baaro dilka Khashoggi u direen Madaxweyne Trump, iyaga oo madaxaweynaha ka dalbaday in la sheego cidda iska leh masuuliyadda dilka suxufiga.

Masuul ka tirsan maamulka madaxweyanha Trump ayaa sheegay in madaxweynuhu uu xaq u leeyahay in uu diido in uu tallaabo qaado.

Dhanka kale senataro ka tirsan dimuqraadiga ayaa madaxweynaha ku eedeeyay in uu jabiyay heshiis farayay in 120 bari gudahood looga jawaabo codsiga ay soo gudbiyeen Congress-ka.

Xilligii kama dambeysta ahaa ee loo qabtay in madaxweyne Trump uu kusoo gudbiyo warbixin muujineysa cidda leh masuuliyadda dilka ayaa ku ekaa maalintii jimcaha.

Xoghayaha arrimaha dibadda Mike Pompeo ayaa war ku saabsan taallabdii ay qaadatay dowladda Mareykanka u gudbiyay  xubnaha Aqalka Senetka, inkasta oo warbixintaas aysan toos u tilmaamin cidda leh masuuliyadda dalka oo ay tahay in loo ciqaabo.

Madaxa guddiga Qaramada Midoobay ay u saartay baaritaanka dilka wariye Jamaal Helen Kennedy ayaa tilmaantay in amarka dilka wariyaha uu ka yimid halka ugu sarreeya ee Boqortooyada Sacuudiga.

Mareykanka ayaa muwaadinin Sucuudiyaan ah oo gaaraya 17 kuwaas oo uu ku jiro Sacuud Qaxtaani oo ahaa la taliye sare ee dhaxal sugaha Sacuudiga Maxamed Bin Salmaan ku soo rogay xayiraad , sababo la xiriira ku lug lahaanshahooda dilkii Jamaal Khashoggi.

SHARE