Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa xirtay maaskaro/afxir markii ugu horreysay tan iyo markii uu biloowday cudurka dilaaga ee Corona Fayras.
Madaxweynaha ayaa booqanayay isbitaalka militariga ee Walter Reed oo ku yaal duleedka Washington, halkaas oo uu kula kulmay askar dhaawac ah iyo shaqaalaha daryeelka caafimaadka.
“Waligey kama soo horjeedin xirashada maaskaraea laakiin waxaan aaminsanahay inay leeyihiin waqti iyo meel,” ayuu yiri xilli uu ka sii baxayay Aqalka Cad.
Wuxuu horey u sheegay inuusan xiran doonin maaskaro isagoo ku jeesjeesi jiray ninka la tartamaya ee la yiraahdo Joe Biden marka uu arko isaga oo xiran.
Laakiin Sabtidii wuxuu yiri: “Waxaan u maleynayaa markii aad ku jirto isbitaal, gaar ahaan xaaladaas gaarka ah, meesha aad lahadleyso askar fara badan iyo dadka in, xaaladaha qaar, miisaska howlgalka, waxaan u maleynayaa waa wax weyn in la xirto maaskaro. ”
Madaxweyne Trump ayaa dhawr jeer uu warbaahinta la hadlay ku cel-celiyey in uusan xiran doonin afxir ama Maaskaro isagoo sheegay in uusan u arkin muhiim.
Mareykanka ayaa ka mid ah dalalka uu sida ba’an uu u saameeyay cudurka safmarka ah ee Corona Fayras.
Mareykanka ayaa waxaa la diiwaan geliyay 66,528 xaaladood 24-kii saac ee la soo dhaafay, taasi oo ka dhigan tiro hal maalin ah, iyadoo ku dhawaad 135,000 kun oo qof ay u dhinteen tan iyo markii uu cudurka Corona Fayras uu bilaabmay, sida laga soo xigtay xogta Jaamacadda Johns Hopkins ee dalka Mareykanka.