Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa shaqada ka ceyriyay la taliyihiisii amniga qaranka John Bolton. Madaxweyne Trump ayaa sheegay in habeenkii la soo dhaafay uu u sheegay John Bolton inaan shaqadiisa looga baahneyn Aqalka Cad.
Madaxweyne Trump ayaa intaas ku daray in soo jeedinno badan oo uu horay u sameeyay John Bolton uu ku diiday, isaga oo sheegay in todobaadka soo socda uu magacaabi doono la taliye cusub oo dhanka amniga qaranka ah.
Cayrinta shaqada laga ceyriyay John Bolton ayaa imaaneysa iyada oo la hadal hayo khilaaf ku saabsan kulankii baaqday ee dhexmari lahaa Taaliban, Madaxweynaha Afghanistaan iyo Madaxweyne Trump oo soo kala dhexgalay Madaxwynaha iyo xubno sarsare oo ka tirsan maamulkiisa.