Madaxweyne Trump oo loo qaaday Isbitaalka

73
Madaxweyne Trump oo loo qaaday Isbitaalka. BBC

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa isaga oo qandho dareemaya loo qaaday isbitaalka ka dib markii laga helay cudurka coronavirus.

Aqalka Cad ayaa sheegay in madaxweynaha uu “daallan yahay laakiin ay niyadiisu wanaagsansan tahay” waxaana loo qaaday isbitaal si ” taxaddar badan loo sameeyo”.

Mr Trump ayaa Aqalka Cad ku qaatay daawada tijaabada ah ee Cocktail kadib markii isaga iyo marwada koowaad Melania Trump labaduba laga helay cudurka Covid-19.

Waxaa suurtagal ah in ay arrintaan saameyn ku yeelato tartanka doorashada iyo dooda soo socota ee u dhexeysa isaga iyo Joe Biden oo ka tirsa xisbiga Dimuqraadiga bil ka hor doorashada madaxweynaha.

Isaga oo xiran maaskaro afka iyo suud madow, Mr Trump ayaa socod ku maray barxada Aqalka Cad galabnimadii Jimcaha isagoo u aaday diyaaraddiisa helicopter-ka ah, Marine One, si uu u raaco duulimaadka gaaban ee isbitaalka Walter Reed oo ku taal xaafadaha Washington DC.

Madaxweyne Trump ayaan horey wax wayn uga soo qaadin halista xanuunka dilaaga ah ee Corona Fayras kaasi oo ay u dhinteen in ka badan 200,000 kun guaha Mareykanka halka 7 milyan in ka badan uu ku dhacay.

SHARE