Aqalka wakiilada Mareykanka ayaa Madaxweyne Trump ku soo oogay eedo la xiriira in ku lug lahaa rabshadihii ka dhacay toddobaadkii la soo dhaafay xaafadda Capitol Hill ee Washington halkaas oo saldhig u ah aqalka wakiilada Mareykanka.
Toban xildhibaan oo ka tirsan xisbiga Jamhuuriga ayaa la saftay xisbiga Dimuqraadiga taas oo tirada inta u codeysay ka dhigeysa 232 halka 197 ay diideen. Waxaana ka aamusay 4 Xildhibaan.
Gole soo joojinta Madaxweyne Trump ee aqalka odoyaasha ama Senetaka ayaan dhaceeynin ilaa uu xafiiska la wareego Madaxweynaha la doortay ee Joe Biden oo Xisbiga Dimuqraadiga ka tirsan kaas oo lagu wado in uu xilka la wareego todobaadka soo socda.
Madaxweyne Trump oo ka tirsan xisbiga Jamhuuriga ayaa noqonaya Madaxweynihii ugu horreeyay taariikhda Mareykanka ee labo mar lagu soo oogo eedo xilka looga qaadi karo.
Aqalka wakiilada oo ay ku xoogganyihiin xisbiga Dimuqraadiga ayaa labo saac oo dood xamaasad leh kaddib Arbacadii u codeeyay in Trump eedaha lagu soo oogo. Ciidanka ilaalada qaranka ayaa waardiye ka yahay gudaha iyo aagga ka ag dhow Congresska .
Hey’adda sirdoonka gudaha ee FBI ayaa ka digtay dibadbaxyo hubeysan oo laga yaabo inay ka dhacaan 50 Gobol ee Mareykanka iyo Washington ka hor caleema saarka Madaxweyne Joe Biden ee 20ka bisha Jannaayo ee sanadkaan.