Madaxweyne Trump oo lagu dhaliilay hadallo gef ku ah ciidanka Mareykanka

326
Madaxweyne Trump oo lagu dhaliilay hadallo gef ku ah ciidanka Mareykanka. EPA

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa wajahaya dhaleeceyn ka dhalatay warbixin lagu faafiyay warbaahinta qaar oo sheegtay in uu ku jeesjeesay askartii Mareykanka uga dhimatay dagaalada.

Trump ayaa sida ay qortay majaladda Atlantic waxa uu askarta ku tilmaamay kuwa faashiliin oo qalbiga laga xaday.

Arrintaan ayaa timid xilli Trump uu gacan yare yaashiisa qaar kala hadlayay ka qaybgalka xuska maalinta rugcaddaayaasha halkaa oo uu booqan lahaa qabuuraha ay ku aasin yihiin.

Dhinaca kale Madaxweyne Trump iyo taageerayaashiisa ayaa beeniyay in uu u gefay ciidanka Mareykanka, iyaga oo ku tilmaamay been abuur.

Ciidamada rugcadaayasha ayaa ahaa kuwii ugu horreeyay ee weerara Trump markii uu baahay wararka sheegaya in uu y gefay ciidanka .

Sidoo kale waxaa si kulul Trump u weerraray,ninka kula loolamaya doorashada madaxtinimada ee bisha Nofeembar, Joe Biden, ayaa ka jawaabay isagoo sheegay in ninka la tartamayaa aanu “u qalmin” inuu hoggaamiyo.

“Haddii qodobkaasi run yahay – oo ay u muuqato inuu yahay, iyadoo lagu saleynayo waxyaabo kale oo uu horrey u sheegay – gabi ahaanba waa wax laga xumaado. Waa sharaf dhac.” Ayuu yiri Mr Biden.

Erayada gefka ku ah ayaa dadka siyaasadda falanqeeya waxay leeyihiin waxay galaafan kartaa damaciisa in mar labaad tartamo. Doorashada bisha November dhaceysa ayay saameyn ku yeelan kartaa Trump hadalada meel ka dhaca ku ah ciidanka Mareykanka.

SHARE