Madaxweyne Trump oo ku laabtay Aqalka Cad

791
Madaxweyne Trump oo ku laabtay Aqalka Cad kaddib sadeex habeen uu isbitaalka jiifay.

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa ku laabtay Aqalka Cad si uu usii wado daaweynta fayraska Corona kadib seddex habeen oo uu isbitaal jiifay.

Madaxweynaha ayaa af-xirka ama maaskararw iska saaray markii uu galiyay Aqalka Cad, halkaasoo dhowr shaqaale iyo kaaliyayaashiisa laga helay feyraska maalmihii la soo dhaafay.

“Aadbaan u fiicanahaya runtii!” Mr Trump ayaa bartiisa Twitter-ka goor hore soo dhigay. “Ha ka baqin Covid. Ha u oggolaan inuu maamulo noloshaada.” Ayuu yiri Madaxweyne Trump.

Mareykanka ayaa hadda maraya 7.4 milyan oo kiis oo ah xanuunka Covid-19 iyo 210,000 kun oo dhimasho ah.

Su’aalaha ayaa weli ka taagan dhab ahaanshaha jirrada Mr Trump kaddib usbuuca hadalo is khilaafsan ay ka soo baxayeen.

Isaga oo u sheegaya dadka Mareykanka ah in aysan ka baqin cudurkaas qoraal uu soo dhigay bartiisa twitter-ka ka hor inta uusan isbitaalka ka bixin fiidnimadii Isniinta, Mr Trump wuxuu yiri: “Waxaan dareemayaa inaan ka fiicanahay sidii aan ahaan 20 sano ka hor !!”

Waxa kale oo uu bartiisa Twitter-ka ku soo qoray: “Goor dhow ayaan ku soo laaban doonaa Ololaha doorashada !!!”

Xoghayaha saxaafadda ee Aqalka Cad Kayleigh McEnany ayaa noqotay shaqsigii ugu dambeeyay ee aad ugu dhawaa madaxweynaha oo laga helay Fayraska Corona Isniinta.

Warbaahinta Mareykanka ayaa sheegtay in laba kaaliye kale oo ay la socday xoghayaha saxaafadda laga helay Fayraska. Ms McEnany ayaa la arkay iyada oo suxuufiyiinta la hadlaysa iyadoon xirnayn maaskarada maalintii Axada balse waxay sheegtay in aysan jirin xubno ka tirsan saxaafada oo looga cabsi qabo Fayraska in ay qaadeen.

Marwada Koowaad Melania Trump, kaaliyayaal sare iyo seddex senator oo ka tirsan xisbiga Jamhuuriga ayaa iyagana laga helay Fayraska.

Mrs Trump, oo ah 50 jir, ayaa ku go’doonsan Aqalka Cad, iyadoo lagu soo waramayo inay leedahay astaamo fudud. Qoraal ay soo dhigtay barteeda Twitter-ka ayay ku tiri: “Waxaan dareemayaa cafimaad [waana] ku sii nasan doonaa gurigeyga”.

Ugu yaraan 12 qof oo aad ugu dhow Mr Trump ayaa ilaa iyo hadda xaqiijiyay in laga helay Fayraska, sidoo kale dhowr xubnood oo ka tirsan shaqaalaha hoosa.