Baaritaankii ku aaddanaa faragalinta doorashadii Mareykanka ee uu hoggaaminayay qareenka Robert Mueller ayaa lagu ogaaday in Madaxweyne Donald Trump iyo gacanyarayaashiisa aysan midkoodna si toos ah ama si dad badan uga qayb qaadan in Ruushku uu faragaliyo doorashadii sannadkii 2016 ka dhacday dalka Mareykanka.
Warbixin kooban oo maalintii uu faafiyay xeer ilaaliyaha Mareykanka William Barr ayaa lagu sheegay in kooxdii baareysay ee uu horkacayay Mueller aysan helin caddeyn muujineysa in Madaxweyne Trump uu caddaalada hor istaagay.
Xeer ilaaliyaha Mareykanka William Barr iyo ku xigeenkiisa Rod Rosentein ayaa go`aamiyay in guddiigii baarayay aysan keenin caddaymo ku filan, si taas la mid ahna aysan bari yeelin Madaxweyne Trump.
Xeer ilaaliye William Barr ayaai galabki Axadda Aqalka Congress-ka hortiisa ka jeediyay warbixintii garyaqaanka gaarka ahaa ee baarayay shakiga la xiriira wada shaqeyn dhexmartay Ruushka iyo Madaxweyne Trump ama gacanyarayaashiisa.
Xubnaha Aqalka Congress-ka uga jira xisbiga dimuqraadiga ayaa dalbaday xogaha muhiimka ah ee baaritaanka in bannaanka la keeno, taas oo laga yaabo in horseeddo dagaal ka dhex bilawda waaxda caddaalada Mareykanka iyo xubnaha xisbiga dimuqraadiga ee Aqalka Congresska.
Baaritaanka la xiriira ku lug lahaanshaha Ruushka ee doorashadii Mareykanka ayaa in badan saameyn ku yeelatay Aqalka Cad laga soo bilaabo xilligii uu Madaxweyne Trump xilka la wareegay ilaa iyo hadda oo in badan oo ka mid ah gacanyarayaahsiisa su’aalo laga weydiiyay eedda la xiriirta in Ruushku kaalin ku lahaa in Mdaxweyne Trump oo xisbiga Jamhuuriga ka tirsan uu ku guuleysto doorashadii uu uga adkaaday Hillary Clinton oo u tartameysay xisbiga Dimquraadiga ah.