Madaxweyne Trump oo isbitaalka uga soo baxay si uu ula hadlo taageerayaashiisa

57
Madaxweyne Trump oo loo qaaday Isbitaalka. BBC

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump, oo ku jira isbitaalka Walter Reed kaddib markii laga helay xanuunka Fayraska Corona, ayaa bannaanka hore ee isbitaalka uga soo baxay si uu u salaamo ugana gacan haatiyo koox taageerayaashiisa ka mid ah oo wadada isugu soo baxay tallaabadaas oo ay dadka dhaliishan ku tilmaameen in ay ahayd khatar siyaasadeed.

Muqaalka laga soo duubay ayaa muujinayay Madaxweyne Trump, oo xiran maaskaro madow, oo ka ruxaya gacanta kursiga dambe ee gaari madow oo ay la socdaan laba nin – sidoo kalena xiran maaskaro.

“Madaxweyne Trump wuxuu sameeyay socod gaaban, si uu u salaamo taageerayaashiisa bannaanka taaganaa wuxuuna hada ku laabtay Qolka Madaxtooyada ee ku yaala Isbitaalka Walter Reed,” Afhayeenka Aqalka Cad Judd Deere ayaa qoraal ku sheegay sidaas. “Tallaabooyin ku habboon” ayaa la qaaday, ayuu raaciyay.

Laakiin khubaradu waxay dhaliileen in dibedd u soo bixisa ay jabisay siyaasadda kala fogaanshaha iyo ilaalinta badqabka dadweynaha ee maamulkiisa ee ku aadan xakameynta Fayraska Corona.

Madaxweynaha Mareykanka ayaa lagu dhaleeceeyay sida uu u maareeyay dhibaatada coronavirus ee ay u dhinteen ku dhowaad 210,000 kun oo Mareykan ah, waana dhimashadii ugu badneyd adduunka oo dhan.

Madaxweyne Trump ayaa habeenkii sadexaad ku jira Isbitaalka isagoo inuu wax badan ka ogaaday xanuunka coronavirus iyo sida uu dadka u saameynayo inta uu isbitaalka jiifay.” wax badan ayaan ka oggaaday Covid-19″ ayuu yiri Madaxweyne Trump. “Kani waa iskuulka dhabta ah. Tani ma ahan ‘aan aqrino buugaagta iskuulka,’ waana helay, waana fahmay, waana wax aad uxiiso badan, ”ayuu raaciyay.

SHARE