Madaxweyne Trump oo horay looga digay khatar soo fool leh ee Fayraska Korona

639
Mareykanka oo UK  iyo Ireland ku daray dalalka lagu soo rogay xayiraadda safarka. AP

Wargeyska Washington Post ayaa ku warramay in Madaxweyne Trump uu iska dhego tiray digniino sirdoon oo loo gudbiyay bishii Janaay taas oo ku saabsaneyd khatarta iyo xadiga feyrsaka Korona ee ka dilaaci doona Shiinaha.

Iyada oo soo xiganeysa saraakiil Mareykanka ah oo si dhow u la socota warbixinada sirdoonka iyo digniinaha ayaa wargeyska Washington Post waxa uu sheegay in Hey’addaha sirdoonka ay tilmaameen nuuca  iyo faaftiaanka cudurka Korona iyo sida Shiinaha aysan wax weyn uga dhigeen khatartiisa, iyo baahida loo qabo tallaabooyin dowladda Mareykanku ay ka qaadato si loo xakameeyo. Madaxweyne Trump ayuu wargeysku tilmaamay in uu is ilowsiiyay oo uusan dan ka galin warbixinta sirdoonka.

Trump ayaa sida lagu warramay aan filaneyn in sidaan wax u dhacaan hase ahaatee dad badan oo dowladda ku jira waa ay filaneyeen waxay se ka dhaadhicin waayeen Trump in uu wax sameeyo.

Masuuliyiinta caafimaadka Mareykanka ayaa ogaaday cudurka ku faafay Shiinaha 3da bisha Janaayo sida uu sheegay Xogahaya caafimaadka Mareykanka. Bilihii Jannaayo iyo Febraayo ayaa digniinta sirdoonka sii xoogeystay. Horraantii bisha Febraayo ayaa xaafiiska taliyaha sirdoonka iyo kan CIA-da waxaa si gaar ah looga hadlayya khatarta soo fool leh ee xanuunka Korona.

Trump ayaa marar badan iska diiday tallooyinka iyo warbixanada oo meel fagaare ah ka sheegay in cudurka Korona gacanta lagu hayo oo la xakameyn karo.

Madaxweyne ayaa la sheegay in si gaar ah u canaantay masuuliyiinta u gudbsiay khatarta soo socota ee Korona. Bishii Febraayo ayaa la soo wariyay in Madaxweyne Trump uu wacay xogahaya caafimaadka Mareykanka Alex Azar markii ay agaasimaha xarunta tallaalka iyo cudurada neefmareenka Nancy Massenior  u sheegtay in aysan ahayn goorma ayuu cudurku fidayaa, laakiin marka uu dhaco ay tahay inta qof ee uu saameyn karo. Trump ayaa u sheegay xoghayaha caafimaadka in agaasimaha xarunta tallaalka iyo cudurada neefamareenka ay dooneyso in ay qalqal galiso suuqa saamiyada ee Mareykanka.

War qoraal oo uu soo saaray Aqalka Cad ayaa lagu beeniyay warka uu qoray wargeyska Washington Post waxaana lagu tilmaamay in qayb ka tahay isku dayga Warbaahinta iyo Dimuqraadiga ay doonayaan in dib u qoraan taariikhda. Aqalka Cad ayaa sheegay in Trump uu qaatay tallaabooyin adag oo taariikhi ah si loo badbaadiyo caafimaadka iyo hantida dadka Mareykanka.