
Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa soo gaaray magaalada London ee dalka UK halkaasi oo uu ka furmayo maanta shirka sanadlaha ah ee Gaashaan buurta NATO.
Shirkaan ayaa waxa marti galinaya boqorada Ingiriiska Queen Elizabeth. Shirka ayaa furmaya magaalada London maanta oonTalaaeldo ah.
Shirkaan ayaa diirada lagu saari doonaa kala qeybsanaanta ka dhexjirta xubnaha NATO iyo arrimaha amniga.
Mareykanka oo xubin muhiim ah ka ah sidoo kalena ah dhaqaale bixiyaha ugu wayn ee Nato ayaa doonaya dalal kale xubnaha ka ah in ay sidoo kale dhaqaale badan bixiyaan.
























