Madaxweyne Trump oo codka diidmada qayaxan ku diiday qaraar Aqalka Congresska meel mariyay

598

Madaxweyne Trump ayaa Jimcihii codka diidmada qayaxan u adeegsaday qaraar ka soo baxay Aqalka Congresska Mareykanka oo ka dhan ah xaaladda degdeg ah ee Madaxweyne Trump ku soo rogay xuduudda Koonfureed ee Mareykanka.
Qaraarka congresska ayaa joojin lahaa xaaladda degdeg ah ee ka jirta xuduudda koonfureed ee Mareykanka, hayeeshe waxaa taa ka biyo diiday Madaxweyne Trump.

Madaxweyne Trump ayaa ku tilmaamay qaraarka ka soo baxay congresska mid aan laga fiirsan oo halis ku ah amniga dadka Mareykanka. Trump ayaa kaddib diidmadiisa waxa uu dib ugu celiyay congresska Mareykanka.

Congress-ka ayaa u arka xaaladda degdeg ah ee lagu dhisayo darbiga mid khatar ah , hase ahaate Madaxweyne Trump ayaa aaminsan fikrad taa ka duwan oo isaga waxa uu arkaa in khatarta ay ka timaado dadka soo galootiga ah ee ka soo gudba xuduudda Koonfureed ee dalka Mexico.

Trump ayaa horay u ballanqaaday in uu dhisayo darbi, waxaa se taas hakad galiyay diidmo ka timid congreska ay dimuqraadogu ku xoogganyihiin, taad oo keentay in Mareykanku uu galo hakadkii ugu dheeraa ee ku yimaada hawlahihii dowladda Mareykanka.